#Araweelo_News_Network
Addis Ababa (ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa sheegay in dalkiisa doonayo innuu soo saaro sharci ay dadka Ajaanibta ahi ku yeelan karaan hanti ma-guurto ah, taasoo qayb ka ah qorshaha ballaadhan ee waddanku ku doonayo inuu ku furto dhaqaallaha iyo soo jiidashada maalgashadayaasha
Ra’iisal Wasaare Abiy ayaa hadalka ka sheegay goor dambe oo Sabtidii ah TV-ga Qaranka, isagoo kulan la yeeshay maalgashadayaal la socday shirkadda ahisheeye iyo ashkhaas kale dalka Ethiopia dadka Ajaanibta ayaa laga mamnuucay innay guryo ku yeeshaan dalka, ama dhismayaal la dego ama ganacsi, taas oo loo arko innay caqabad ku tahay dadaallada socda ee lagu doonayo in maalgashi shisheeye loogu soo jiido dalka ku yaalla Geeska Afrika
Isagoo la hadlayay maal-gashadayaasha March 22, 2024, Ra sisal Wasaare Abiy wuxuu sheegay in xayiraadda laga qaaday ganacsiga tafaariiqda caalamiga ah sida Starbucks iyo silsiladaha dukaamada waaweyn. “Hadda waxaan u furi doonnaa suuqa,” ayuu yidhi.
Dalka Ethiopia, waxay muddo dheer ilaalinaysay siyaasaddaha Ilaalinta ganacsiga iyadoo ka fogaatay ganacsiga xorta ah, fur-furnaanta ganacsiga, iyada oo qaybta tafaariiqda ka xidhaysa shirkaddaha shisheeye.
Hase yeeshee , tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 2018, Abiy waxa uu dabada ka riixayay isbedello dhaqaale, wallow aannay weli ka muuqan dalka isbedello dhaqaale oo muujinaya Suuqa ganacsigu inuu yahay mid xor ah, waxaana weli Ethiopia laga arkayaa taadadkii Boqortooyada iyo nidaamyadii hortaagnaa ganacsiga iyo fur-furnaanta raadadkii iyo shuruucdii ay kaga tageen, kuwaas oo ay addagtahay innay quluubta shucuubta Ethiopia ka degaan.
Shirkadda isgaadhsiinta ayaa noqotay tii ugu horreysay ee la furo, iyadoo Safaricom ay heshay shati dhan 850 milyan oo dollar. Xeerarka bangiyada ayaa sidoo kale dib loo habeynayaa si loo oggolaado maalgashiga shisheeye.
Furitaanka suuqa tafaariiqda waxa uu qayb ka ahaa Ajendaha Dib-u-habaynta Dhaqaalaha Dalka ee Ethiopia, kaas oo hadda la hirgelinayo la saadaalinkaro illaa 2026.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
info@araweelonews.com