Araweelo News Network
Addis Ababa(ANN)-Qarax weyn, ayaa gilgilay goob fagaare ah oo Ra’isal wasaaraha Dalka Ethiopia Dr. Abiy Ahmed kala hadlayay malaayiin qof oo isugu soo baxay fagaarahaa oo ku yaal Caasimada Dalka ee Addis Ababa.

Ethiopian security forces intervened on Meskel Square after the blast at the rally [Dereje Berhanu/Al Jazeera]
Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia, ayaa deg deg looga qaaday goobtaa qaraxu ka dhacay, waxaana qaraxu sababay khasaare dhimasho oo ugu yaraan dhawr qof ah, halka ugu yaraan 144 dhaawacyo soo gaadheen oo la geeyay cusbitaalada sida uu xaqiijiyay Solomon Ali oo ka tirsan hay’adda Ethiopian Red Cross Society, waxaana inta badan dadka dhaawacu soo gaadhay markii ay is jiidheen.
Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed oo markaa kadib hadlay xafiiskiisa, wuxuuna dadka kala hadlay Tlefishanka Dalka Ethiopia, isagoo canbaareeyay qaraxaa, wuxuuna ku tilmaamay mid ay soo abaabuleen kuwo uu ku tilmaamay Inay kasoo horjeedaan horumarka nabada Iyo midnimada Ethiopia.
Qaraxa, ayaa kusoo beegmay maalmo kadib markii Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Dr. Abiy isbedel siyaasadeed ku sameeyay Siyaasada Dalka ee gudaha iyo dibadda, isagoo meesha ka saaray cadaawadii mudada dheer u dhaxaysay Dalka Ereteria oo hore uga goostay Ethiopia, Isla markaana dagaal kumanan qof ku dhinteen ku dhexmaray sagaashanadii xadka ay wadaagaan, waxaana goobta qaraxu ka dhacay markiiba la geeyay Ciidamadda Amaanka.