X
    Categories: Warar

Ethiopia Oo Xaqiijisay In Tigreegu Qabsadeen Saldhiga Ciidamadda Ugu Weyn

Amb. Ridwan Hussein

Araweelo News Network.

 “TPLF, Waxay awood u yeesheen inay qabsadaan dhismaha oo dhan, sababtoo ah,,,,”Amb. Ridwan Hussein

Addis Ababa(ANN)-Xukuumadda Federaalka Ethiopia, ayaa xaqiijisay in ciidamadda maamulka Tigreega ee TPLF, ay qabsadeen gebi ahaanba saldhiga weyn ee Ciidamadda Ethiopia  ku lahaayeen Woqooyiga Magaalada Makkala ee caasimada Tigreega.

Suxufiyiinta oo ku jira shirka jaa’id ee Ambassador Ridwan Hussein Addis Ababa. 11 November 2020, Araweelo News Network.

Sidaana waxa warbaahinta u sheegay maanta Afhayeenka kooxda uu dhowaan magcaabay Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ee xaaladda degdega ah, Ambassador Ridwan Hussein oo shir-jaraa’id ku qabtay Addis Ababa.

Saldhiga ay la wareegeen ciidamadda Tigeeraga (TPLF), ayaa ah saldhig muhiim ah, kaas oo Ra’iisal wasaare Abiy sheegay in ay Tigreegu doonayeen in ay qabsadaan oo ka qaataan Hub iyo saannad Millateri oo muhiim ah, isagoo tallaabadaa ku sababaeeyay in ay ahayd tii ku khasabtay weerrarkii iyo gulufkii duqaymaha ahaa ee uu ku qaaday Magaalada Mekelle toddobaadkii hore.

Hase yeeshee Afjayeenka u hadlay maanta kooxda xaaladda deg-dega ah, Ambassador Ridwan Hussein, wuxuu ku macneeyay sababta ay Tigraagu u qabsadeen Saldhigaa ee u suurta gelisay in aannay ciiddan ku filan oo daafacaa u joogin halkaa.

“Waxay awood u yeesheen inay qabsadaan dhismaha oo dhan sababtoo ah ciidamo iyo shaqaale ku filan halkaas nooma joogin,” ayuu yidhi, Amb. Ridwan Hussein oo warfidiyeenada kula hadlayay Addis Ababa.

Sidoo kale, Amb. Hussein ayaa sheegay in sababta ay duulaanka u qaadeen ay ahayd, iyagoo ka cabsiqabay in Addis Ababa ay gacanta u gasho Tigreega oo uu sheegay inay haystaan gantaalaha gaadhaya 300-1000km, kuwaas oo uu sheegay in ay khatar ku yihiin amaanka dalka, gaar ahaan caasimada Ethiopia iyo sidoo kale cabsi laga qabay in waxyeelo dhinaca circa ah gaadhsiiyaan diyaaradaha hawadda dalka maraya, ama waxyeelo u geystaan xarrumaha hay’addaha dawladda Federaalka ee Addis Ababa.

Dhinaca kale, Saraakiisha Millateriga Ethiopia ee daacada u ah Ra’iisal Wasaare Abiy ahmed, ayaa sheegaya in ay dagaalka ay ciidamaddu kula jiraan Tigreega ka gaadheen guullo, isla markaana ay dileen boqolaal, isla markaana qabteen maxaabiis ku dhowaad soddoneeyo ah.

Sheegashada waxa ka mid ah Taliyaha Taliska ciidamadda Federaalka ee dhanka Waqooyi Jeneral Belay Seyoum oo  warbaahinta dowladdu soo xiggatay, kaas oo sheegay in 550 oo askari oo ka mid ah ciidamada Tigreega ay ku dileen dagaalka islamarkaana ay qabteen 29, balse wararka sheegashada oo kusoo beegamaya xilli ay dawladda Federaalku qiratay in laga qabsaday saldhiga ahmiyada weyn leh, ma jiraan waxyaabo cadaymo ah oo muujinaya in ay ciidamadda Federaalku guul ka gaadheen dagaalka, isla markaana ay dileen boqolaal daacad u ahaa Tigreega kuwo kalena ay qabteen.

Xukuumadda Federaalka ee Ethiopia ayaa shalay sheegtay in ay qabsadeen garoonka diyaaradaha ee duleedka Humera oo kulaalaya xadka ay wadaagan Ethiopia iyo Suudaan, balse waxa sheegashadaa beeniyay Tigreega oo ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post