Addis Ababa (ANN)-Xukuumadda Dalka Ethiopia, ayaa ka hadashay qoraal lagu arkay bogga intarnet-ka ee wasaaraddeeda arrimaha dibedda, kaas oo Somaliland iyo maamulka Puntland ku daray liiska dalalka ay xafiisyada diblumaasiyadeed ku leeyihiin.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethiopia, Nebiyat Getachew, ayaa BBC u sheegay in “Puntland iyo Somaliland ay u aqoosan yihiin in ay hoostagaan dowladda Federaalka ee Soomaaliya”. Wuxuuna intaa ku daray in Ethiopia ay aqoonsan tahay madaxbanaanida Soomaaliya.
Nebiyat Getachew, wuxuu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxaan safaarad ku leenahay Muqdisho. Somaliland iyo Puntland waxaan ku leenahay xarumo diblumaasiaydeed, Boggeena arrimo badan ayaa ka muuqda waana eegeynaa”, ayuu raaciyay hadalkiisa Afhayeenku.
Warkan oo lagu baahiyay website-ka BBC-da, ayaa lagu sheegay in walaw ay dad badan weli waxay xasuustaan khariidaddii Ethiopia ee Soomaaliya meesha ka saartay, balse markale Soomaalida isticmaasha baraha bulshada ayaa doodo ka dhaliyay qoraal kale oo lagu baahiyay bogga wasaarradda arrimaha dibadda ee Ethiopia
Barta rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia, ayaa dal ahaan u diiwaan galisay Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo doonaysa inay liistayso dalalka ay xarumaha dublamaasiyadeed ku leedahay, kuwaas oo ay Somaliland kow ka tahay, iyadoo sidoo kale raacisay maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo isagu ka mid ah Soomaaliya.
Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dib ula soo noqotay madaxbanaanideedii 18 May 1991, walaw aanay aqoonsi caalami ah wali ka helin dunida,
Dawladda Ethiopia, ayaa xidhiidho kala duwan la lahayd maamulada Soomaaliya ka jiray tan iyo burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991.waxayna sannadii u danbeeyay Ethiopia xidhiidh gaar ag la samaynaysay madaxdii soo martay Soomaaliya, iyadoo mararka qaar martigelisay kulamo badan oo lagu macneeyay nabadeynta Soomaaliya.
Hase yeeshee tan iyo markii isbedelka siyaasadeed ee saamaynta ku yeeshay mandaqada uu ka dhacay dalka Ethiopia ee xilka uu qabtay Ra’iisal Wasaare Abey Axmed, waxaa soo hagaagayay xidhiidhka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Ethiopia, balse waxa taas barbar socday in mararka qaar Khariirada dhulka Soomaalida lagu daro Ethiopia, iyadoo muddo yar kadibna laga saaro.
Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa hore u sheegtay “in ay ka faa’idayso isbedelka siyaasadda ee geeska Afrika”.
Dadka arrimaha siyaasadda iyo diblumaasiyadda ka faallooda waxay aaminsan yihihiin in arrintan ay muddo soo jiitameysay.
Yusuf Garaad oo ahaan jiray Wasiirka arrimaha dibadda ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in “dowladda Soomaaliya aannay ka aamusin arrintan”.
Cabdiraxmaan Ceynta oo wasiir ka soo noqday dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sidan ku xusay bartiisa:
Danjire Ciid Bedel oo ahaan jiray safiirka Soomaaliya u fadhiya qaramada Midoobay oo dhowaan la hadlay BBC-da ayaa sheegay, “Siyaasaddan waa siyaasad ka horeysay Dr Abiy Axmed. Siyaasaddan waxaa dajisay dowladdi Meles Zenawi. Siyaasaddeedi ku wajahnayd Soomaaliyana waxay ahayd iney Soomaaliya kala qaybiso, inteeda badanan Itoobiya lagu daro, inta soo hartana ama Kenya lagu daro ama wixii kale ee laga sameyn karo laga sameeyo.”
Todobaadkan horraantiisii ayay ahayd markii ay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia raaligalinta ka bixisay khariidadda ay daabacday.
“Run ahaantii waxaan aad uga xunnahay jahwareerka iyo faham la’aanta ka dhashay dhacdadaas” ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda.
Khariidaddaas hore ayaa meesha ka saaraysay Soomaaliya, balse waxaa la soo reebay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland. Sida lagu sheegay warbixinta BBC-da laanteeda Af-soomaaliga.