X
    Categories: Warar

 Ethiopia Oo Sheegatay Qabsashada Deegaan Tigreega Ah Iyo Dagaalka Oo Ku Faafaya Guddaha Iyo Dalalka Deriska

Araweelo News Network.

Addis Ababa(ANN)-Xukuumadda Federaalka Ethoipia, ayaa sheegtay in ay ciidamadeedu qabsadeen deegaan ku yaal Woqooyiga gobolka Tigeera dagaalka socday laba toddobaad, isla markaana sababay dhimashada boqolaal qof iyo ku dhowaad 20, 000, oo dhanka dalka Suudaan u cararay.

Xukuumadda Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa Isniintii u sheegtay qabasashada magaalo kale oo ku taal waqooyiga gobolka Tigray, balse ma jiraan warar madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashada xukuumadda oo marar baddan sidan oo kale sheegtay inay guulo ka gaadheen dagaalka walaw ay dhanka saraakiisha Tigreegu beeniyeen sheegashooyinkaa.

Maamulka Tigreega ee TPL, ayaa gantaalo la beegsaday gantaalo la beegsaday Gelinkii dambe ee Sabtidii,  Magaalada Asmara, ee Xarunta Ereteriya, kuwaas oo dhaliyay khasaare, Afhayeen u hadlay kooxda TPLF ayaa mar sii horaysay uga digay in Eritrea la bartilmaameedsado, iyagoo ku eedeeyay in ay dagaalka ka dhanka ah la safatay dawladda Federaalka ee Ethiopia.

Sidoo kale, maalin ka hor maamulka Tigreega, ayaa weerraro iyo gantaalo la beegsaday weerraro ay ka fuliyeen xilli danbe oo habeen ah November 13, 2020, Garoomada diyaaraddaha ee magaalooyinka Bahir Dar iyo Gonder ee Gobolka Amxaarada, iyagoo Tigreegu horre ula wareegay saldhiga weyn ee Ciidamadda Ethiopia ku lahaayeen Woqooyiga Magaalada Makkala ee caasimada Tigreega. Sida uu warbaahinta u sheegay Amb Ridwan Hussein oo warfidiyeenada kula hadlayay Addis Ababa, isla markaana ka mid ah kooxda Abiy u magcaabay xaaladda deg dega ah.

Labada Garoon ee diyaaraddaha ee magaalooyinka Bahir Dar, oo loo yaqaan Ginbot 20 Airport, isla markaana ah meel u dhow harada weyn ee Tana; halka Gonder Atse Tewodros Airport uu ku yaal meel 18 km koonfur ka xigta magaalada Gonder ee gobolka Amxaarada oo ay dhanka Koonfureed ee maamulka Tigreega xad ka leeyihiin Axmaarada.

Dhinaca kale, duqaymahaa oo sababay khasaare ballaadhan soo gaadhay madaarka iyo dhimasho, sida ay sheegayaan saraakiisha Amxaarada ee gobolka ayaa sidoo kale sababay in diyaaradda Ethiopia Airline, ay joojiso duulimaadyadii madaaradaa.

Dagaalka, ayaa sababay xasuuq ba’an oo ka dhacay deegaamada uu dagaalku ka socdo, sida ay sheegayaan saraakiisha Hay’addaha Xuquuqda Aadamaha oo adeegsanaya warbixino teel teel ah iyo muuqaalo lagu qaaday Satellite-ka oo laga helayo deegaankaa, walaw ay adagtahay in warbixino dhab ah laga helo, sababo la xidhiidha isgaadhsiinta oo hawada ka maqan.

Dhinaca kale, waxa soo baxaya baaqyo la doonayo in la hakiyo dagaalka oo ka imanaya dalalka waaweyn ee dunida, balse dhinacyada ayaa sii wada gulufka colaadeed oo laga cabsi qabo inuu ku faafo badhiga Afrika, iyadoo dalka Ereteria durba ay gaadheen gantaaalada dhanka dalka Ethiopia lagaga duqeeyay ee deegaanka Tigreega, iyadoo aan la ogayn jawaabta ay bixin doonto, isla markaana ay jiraan ila wareedyo dhanka dublamaasiyada ah oo sheegaya in dagaalka ay lug ku leeyihiin qaar ka mid ah dalalka khilaafka Biyaha Niilka.

Sidoo kale waxa laga cabsiqabaa in xaaladda dagaalka ee xukuumadda Federaalku ku qaaday deegaanka Tigreega u gudbo deegaamo kale oo gudaha dalka Ethiopia ah, isla markaana horseed u noqdo qalalaase dagaal sokeeye oo galaafta deganaanshaha Ethiopia oo saamayn xun ku yeesha nabadgelyada mandaqada, iyadoo maamulka dhanka Koonfurta ee Benishangul-Gumuz laga soo sheegay isku dhacyo dhanka qoomiyadaha ah oo dib uga soo cusboonaaday halkaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post