X

Ethiopia: Maamulka Soomaalida Oo Ka Jawaabay Qayla-dhaanta Amxaaradu Kaga Dalbatay Ciidamado Ka Baaciya TPLF

Warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, Cali Badal Muxumed , Image file Araweelo News Network

Araweelo News Network.

 

Jigjiga(ANN)- Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Kililka Shanaad, ayaa sheegay qorshe suuragal ah oo ay ciidamo ugu dirayaan dowladda dhexe ee Ethiopia, kuwaas oo qayb ka noqonaya dagaalka u dhaxeeya xilligan Malayshiyaadka Amxaarada iyo ciidamadda dowladda Federaalka ee dagaalka kula jirta Falaagada TPLF.

Sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, Cali Badal Muxumed oo la hadlayay Idaacada VOA-da, wuxuu sheegay in maamulka dowlad deegaanka uu qayb ka yahay dowladda Fedaraalka dalka Ethiopia,  sidaa awgeed, wuxuu sheegay in ay taageero u fidinayaan dagaalka ay dowladda dhexe kula jirto Jabhada TPLF.

“Dowladda dhexe ee dalka haddii ay taageero nooga baahato waan garab istaagayna, waana suurtagal inaan ciidamo u dirno, balse horay uma jirin wax ciiddan ah oo aan u dirnay ka qaybqaadashada dagaalka dowladda iyo TPLF” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay Wasiirka Warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, ayaa sheegay inay ka go’an tahay maamulka deegaanka ka qayb qaadashada sugida amniga deegaanada kale ee dalka Ethiopia, sidaa darteed aannay oggolaan doonin in khal-khal la geliyo amaanka deegaankan iyo dalkaba.

Arrintan, ayaa kusoo beegantay, maalmo kaddib markii maamulka Amxaarada ay qaylo-dhaan ay ku dalbanayaan ciiddamo lala soo gaadho, taas oo ka dhalatay dagaal culus oo ka socda deegaanka, kaas oo u dhexeeya TPLF iyo Amxaarada oo laga qabsaday dhul istiraatiiji ah oo ay hore ula wareegeen muddadii uu dagaalka lagu qaaday gobolka Tigray ka bilaabmay halkaa siddeed bilood ka hor.

Hase yeeshee Tigray oo dib u qabsaday dhowaan gobolka, ayaa la wareegay deegaamo baddan oo Amxaaradu qabsatay markii ciidamadda Ethiopia oo taageero ka helaya kuwa dalka Eriteria iyo Malayshiyada Amxaaaradu la wareegeen  dhulkaa.

Dagaalka gobolka Tigray, ayaa si weyn u naafeeyay Ethiopia, wuxuuna wiiqay awoodda Ciidanka, isagoo dhinaca kale siyaasiyan u gu’doomiyay dagaalku dalkaa oo dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo nolloleed ka jireen, isla markaana wuxuu dagaalku sababay dhimashada kumanaan qof iyo in ay guryahooda ka qaxaan dhawr milyan oo qof, halka ay gargaar deg-deg ah u baahan yihiin ku dhowaad 4milyan oo kale.

Dagaalka oo markii hore socday muddo siddeed bilood ah, ayaa hadda dib uga bilaabmay gobolka, iyadoo laga cabsi qabo inuu ku fido gobolka, isla markaana u talaabo qowmiyadaha kale eek u nool dalka, kuwaas oo ku kala qaybsan dagaalka gobolka Tigray ee xilligan u gudbay labada qowmiyadood ee Amxaarada iyo Tigray.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post