#Araweelo_News_Network:

 

Addis Ababa(ANN) – Taliyihii hore ee ciidamada gaarka ah ee Axmaarada, General Tefera Mamo, ayaa ku biiray jabhada Amxaarada ee Fano, kadib uu kasoo laabtay gurigiisa oo ku yaala Addis Ababa Axadii.

Warbaahinta Ethiopia ee yaalaa daabacda wararka la xidhiidha Mucaaradka, gaar ahaan kuwa  Amxaarada oo soo xigganay xoggo lagu baahiyay Baraha Bulshada ayaa  baahiyay warka sheegaya in Sarkaalkaasi ku biiray jabhada Fano.  Xoggaha la faafiyay qaarkood ayaa sheegaya  in General Tefera Mamo  Isniintii oo la sheegay in laga helay xaaskiisa, ayaa xaqiijiyay in aannu gurigiisa kusoo laaban oo uu kaga tagay taleefankiisa gacanta guriga.

Dhinaca kale, Wararka qaar ayaa  sheegaya in ay xidhiidh la leeyihiin jabhada Axmaarada sarkaalkaa. Iyagoo sheegaya ayaa ku waramaya in General Tefera Mamouu hore ugu biiray jabhada Fano. Wararkaasi si cad umma sheegin  kooxda Fano ee uu ku biiray.

General Tefera Mamo, waxa sheegayaa inuu la ildaranaa  xannuun dhanka lugaha ah oo la sheegay in uu la xidhiidho dhaawac kasoo gaadhay rasaas hore, iyadoo lagu taliyay in uu dibadda ugu baxo si uu u helo daryeel caafimaad oo wanaagsan. Laakiin Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed, ayaa u diiday fiisaha bixitaanka ee dalka Israa’iil oo uu doonayay  ku dhawaad ​​laba sano inuu dhakhtar ugu baxo.

 

General Tefera Mamo, ayaa ka mid ah Saraakiisha ugu caansan ee Ethiopia, isagoo in ka baddan afartan sano ka tirsanaa ciidamada Difaaca Ethiopia, iyadoo hore loogu xidhay, isagoo Sarreeye Guuto ah  inuu ku lug lahaa afgambigii dhicisoobay xilligii Ra’iisal Wasaare Meles Zenawi.

Sarkaalka ayaa la sheegay inuu  xilligan ka walaacsanaa caafimaadkiisa iyo weliba walaac uu  ka qabo xisbiga talada haya.

Kadib dhacdadii bishii June 2019 ka dhacday gobolka Axmaarada oo galaaftay nolosha hoggaamiyayaashii siyaasada ee gobolka oo ay ka mid ahaayeen Dr. Ambachew iyo General Asamenew Tsige oo xiligaas ahaa madaxa nabadgalyada iyo amniga ee gobolka, General Tefera Mamo ayaa muddo kooban xabsiga loo taxaabay markaa kaddib.

Sidoo kale.  General Tefera Mamo, ayaa muddo kooban lagu xidhay caasimadda Addis Ababa kaddib markii kooxda TPLF iyo maamulka Abiy Axmed ay saxeexeen heshiiskii Pretoria.

General Tefera ayaa si wayn uga soo horjeeday xasuuq ay Amxaaradu sheegto in lagu hayay qoomiyad ahaan ee goboladda dalka, wuxuuna sidoo kale aad u naqdiyay hagardaamooyin uu ku eedeeyay  TPLF, xilligaa.

Hase yeeshee, ma jiraan wax cadeyn ah oo xaqiijinaya inuu xiligan ku biiray ciidamada Fano ee dagaalka kula jira xukuumada Abiy Axmed si ay uga hortagaan waxay ku macneeyaan “khatarta jirta” ee  Amxaarada soo food saartay.