X

Ethiopia; Dhibaatooyinka Dhaqaale Ee Soo Waajahay Iyo Wasaaradda Maaliyadda Oo Sharaxday

Ahmed Shide ku guuleystay Abaalmarinta Hoggaaminta Ganacsiga ee 2020 Afrika. Araweelo News Network

Akhri 1min

#Araweelo_News_Network.

ADDIS ABABA (ANN)– Xukuumadda Dalka Ethiopia ee uu Hoggaamiyo Ra”iisal Wasaare Abiy Ahmed, ayaa ka walaacsan dhaqaale xumo soo waajahday oo sii siyaaday, taas oo saamayn ku yeelatay addeegyada aasaasiga ah iyo qorshayaasha xukuumadda.

Wasiirka Maaliyadda Ethiopia Ahmed Shidde ayaa ka dayriyay dhaqaallaha sii xummaanaya ee dalka, isagoo Baarlamaanka ka sheegay mushkilada dhaqaalle ee xataa saammaynta ku yeelatay Dakhliga dalka iyo kharashkii ay xukuumaddu isticmaali lahayd.

Wasaaradda Maaliyadda ee Ethiopia ayaa Khamiistii sheegtay in $4.2 bilyan laga helay deyn iyo deeq sanadkan miisaaniyadda.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa Waxa ay sheegtay in waxa la qorsheeyay uu ahaa in la xaqiijiyo $2.4 bilyan (“go’aan”) oo lagu qiimeeyay ” 171 boqolkiiba qorshaha la doonayay.

Hase yeeshee shaacinta mushkilada ayaa ku soo beegantay iyadoo qayb ka ah qiimaynta waxqabadka Miisaaniyadda Wasaaradda ee sagaalka bilood.

Natiijooyinka dakhli ururinta ee sanadkan ayaa la muujiyay. Sida laga soo xigtay Wasaaradda, waxaana la qorsheeyay in la qaado 356.5 bilyan oo birr oo canshuur ah, balse waxa la ururiyay 337.9 bilyan.

Arrintaa waxa ay Wasaaraddu ku qiimaysay 94.8 boqolkiiba wax qabadka qorshaha sagaalka bilood iyo 69.6 boqolkiiba wax qabadka guud ahaan qorshaha sanad miisaaniyadeedka.

Sidaa awgeed waxay muujisay werwerka ay ka qabto hoos u dhaca Miisaaniyadda.

Duruufaha ay Ethiopia ka dhaxashay dhibaatooyinka guddaha iyo raadadkii dagaaladii u danbeeyay, waxa u dheer deganaansho la’aanta la jirta guddaha iyo dalalka galbeedka oo dib uga fadhiistay kaddib markii xukuumadda Abiy Ahmed si toos ugu wareegtay xullufadda China iyo Russia  ee BRICS oo ay dhexda ugu jirto, kuwaas oo xullufadda galbeedka ee Maraykanku hoggaamiyo si weyn isaga soo horjeedaan, iyadoo isbahaysiga Brics oo kulamo ku yeeshay Addis Ababa qorshaynayaan sidii dhibaatooyinka dhaqaalle ee dalalka Africa wax looga qaban lahaa, gaar ahaan kuwa ku biiray xullufadda oo Ethiopia iyo Egypt ugu horreeyaan, iyadoo Ethiopia iyo Egypt labaduba la tiicayaan dhaqaalle xumo iyo duruufo siyaasadeed.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post