#Araweelo News Network:

 

Addis Ababa (ANN) Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa si lama filaan ah booqasho aan hore loo shaacin ku tegey dalka Suudaan, isagoo la kulmay  taliyaha guud ee ciidamada dalka Sudan General Abdel Fattah al-Burhan oo ku sugan xeebaha Badda Cas.

Abiy Ahmed ayaa noqonaya hoggaamiyihii ugu horeeyey ee ajaanib ah oo booqda caasimaddiisa dagaalka ee Port Sudan, tan iyo markii ay bilaabmeen dagaalada u dhaxaysa ciidamada dawladda iyo Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee fallaaga loo yaqaan (RSF).

 

Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa markii hore loo arkayay inuu raacsan yahay fallaaga RSF, kuwaas oo uu uga dhowaa ciidanka Sudan ee General Abdel Fattah al-Burhan , isla markaana magaalada Addis Ababa ayuu Abiy kuu martigeliyay hoggaamiyaha fallaagada RSF Mohamed Hamdan Dagalo bishii Diseembar, iyadoo Millateriga Suudaan ay hore ugu eeddeeyeen, innay xatta Xukuumadda Abiy gacan siinay fallaagadda,  laakiin booqashadiisa lama filaanka ah ayaa kusoo beegmay, iyadoo fallaagadda inta baddan laga saaray dalka markii ay Millateriga Suudaan ka heleen dalka Iran diyaaraddaha Drones iyo qalab kale, waxayna Abiy ra’iisal wasaaraha Ethiopia booqashadiisa xilligan u muuqataa mid is daad raacin iyo is-dhiibis ah oo fudayd baddan ka muuqdo.

Hase yeeshee warbaahinta Ethiopia ayaa ku macnaysay innay qayb ka tahay waxay ku macneeyeen inay qayb ka tahay sidii xasillooni loogu soo dabbaali lahaa Suudaan kaddib ku dhawaad ​​15 bilood oo colaad ah.

Dagaalka u dhaxeeya kooxaha millateriga Suudaan ayaa ku qasbay in ku dhawaad ​​10 milyan oo qof in ay ka barakacaan guryahooda, iyadoo ay dheertahay xaalad macaluul ah oo dagaalku ka abuuray qeybo ka mid ah dalka, waxaana ay ku hanjabeen in ay khalkhal gelin doonaan xasiloonida gobolka.

Halka RSF ay la wareegtay inta badan caasimadda Khartoum iyo bartamaha iyo galbeedka Suudaan, ciidanku waxay maamulaan gobollada Bari iyo waqooyiga oo ay ku jirto Port Sudan oo saldhig u noqotay. laakiin Khartoum iyo meelo kale ayaa laga saaray RSF, maalmihii u danbeeyay.

Dhinaca kale, Wadahadalo ay Sacuudiga iyo Mareaykanka ku marti galiyeen magaalada Jeddah ee la doonayay in lagu dhexdhexaadiyo xabbad joojintii kal hore istaagtay iyo isku daygii lagu doonayay in ciidanka lagu soo celiyo miiska wada xaajoodka ayaa ilaa hadda fashilmay, kaas oo rajo la’aan ah.

Sawirada ay labada dhinac wadaageen ayaa muujinayay Burhaan iyo Abiy oo qoslaya oo gacmaha is haysta kaddib imaatinka hoggaamiyaha Ethiopia. Dhanka X, xafiiska Abiy wuxuu ku tilmaamay booqashada qayb ka mid ah dadaallada lagu raadinayo “xal waara oo xasiloonida Suudaan”. sida ay werisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ilo ku dhow dhow ayaa sheegay in Abiy uu fursad wanaagsan u helay inuu horumar ka gaadho arrinta, isagoo dhulka jooga
Jiritaanka Suudaan ayaa halis ku jira, markii dunidu ka weecatay ee indhaha ka qarsatay, Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu u weecday Suudaan,” ayaa lagu yidhi, qoraalka kooban ee xafiiska Abiy.

Hase yeeshee, Booqashada ayaa dhacday kaddib markii weerar ay fallaagada RSF ku qaadeen gobolka Sennar ee Koonfur Bari bishii hore, iyadoo dagaalka uu ku soo dhawaaday xadka Ethiopia la wadaago Suudaan. Waxaa jiray calaamado muujinaya in RSF ay u guurayso gobolka Gedaref, kaas oo martigeliya in ka badan 600,000 oo Suudaani ah oo barokacay iyo sidoo kale tobanaan kun oo qaxooti Ethiopian ah.

Sida ay werisay Reuters Bishii la soo dhaafay, Beeralayda Suudaan ee Gobolkaasi ayaa sheegay in Maleeshiyada Fano ee IEthiopia ay soo galeen dhulka Fashaga ee lagu muransan yahay ee u dhaxeeya labada dal. Abiy ayaa khudbad uu Isniintii jeediyay ku sheegay in dagaalka aanu ka faa’idaysan doonin in arrinta lagu dhammeeyo wadahadal, isla markaana dowladdiisa aannay dhinacna la safan doonin, waxaana loo arkay innuu markaa beddelay mawqifkiisa markii hore ka hor intii aannu booqan Salaasadii Port Sudan.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com