Xidhiidhka Ethiopia iyo Israel wuxuu soo taxnaa 3,000 oo sano ka hor kulankii halyayga ahaa ee boqoradda Shebaa iyo Boqor Sulaymaan” Danjire Tesfaye Yitayeh

#Araweelo _News _Network

Jerusalem (ANN)- Ethiopia iyo Israel waxa ka dhexeeya xidhiidh taariikhi ah oo Bulsho, kaas oo xididadiisu yihiin kuwo kumanaan sannadood soo jiray, iyadoo  Bulshada Ethiopia iyo Israa’iil ilaa xilligan xidhiidh firfircoon  u dhexeeyo labada quruumood.

 

Bulshadu waxay u dabbaaldegtaa sanad kasta badhtamaha November xus Diimeedka Tawraat ee “Sigd” oo qowmiyadaha labada dal ay si wada jir ah u xusaan, iyadoo xusaska lagu qabto Qudus iyo Waqooyiga dalka Ethiopia ee Buuralayda, waxayna  ku tilmaamaan Xajka xuska oo ay u lebistaan si isku mid ah, taas oo qayb ka ah taariikhda ka dhaxaysa ee facaweyn, iyadoo Ethiopianku ku doodaan innay asal ahaan kasoo jeedaan “Makeda” oo ahaa Wiilkii Shebaa Bilqis.

 

Wargeyska laga leeyahay Israel Jerusalem Post, ayaa lagu baahiyay warbixin la xidhiidha taariikhda fog ee labada qowmiyadood iyo xidhiidhka Arrimaha Diblomaasiyadeed ee labada dal.

Danjiraha Ethiopia Tesfaye Yitayeh u sharxay Tifaftiraha  wararka ee The Jerusalem Post  xidhiidhka taariikhiga ah iyo iskaashiga labada qowmiyadood oo sida uu sheegay sii kobcaya.

Wadamo aad u tiro yar oo adduunka ah ayaa xidhiidhkooda diblumaasiyadeed dib ugu soo celin kara waayihii Macbadka Koowaad ee Qudus. Tan iyo waagii Boqor Sulaymaan, labada qowmiyadood ee Ethiopia iyo Israa’iil waxay ku naaloonayeen xidhiidh ka sarreeya dunidii dublamaasiyadeed ee xilligii Humdrum iyo qarnigii 21aad, kaas oo ku qotoma taariikh wadaag ah laguna xoojinayo mustaqbalka kobcin iskaashi, xidhiidhka labada ummadood waxa ku xidhan is ixtiraam iyo rabitaan wadaag ah, ayuu yidhi.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Xidhiidhka qotada dheer ee u dhexeeya Ethiopia iyo Israa’iil uu soo taxnaa 3,000 oo sano ka hor kulankii halyeyga ahaa ee boqoradda Shebaa iyo Boqor Sulaymaan. “Xidhiidhka taariikhiga ah,” ayuu danjiraha Ethiopia, Tesfaye Yitayeh u sharxay The Jerusalem Post, “wuxuu u qaabeeyey, hab wanaagsan, xidhiidhkayaga, ayuu yidhi.

Xabashidan aad iyo aad baan u qadarinaynaa xidhiidhkan”. Taariikhdani waxay sii waddaa innay wargeliso xidhiidhka ka dhexeeya labada shacab, waxayna gaar ahaan ka muuqata xillliga xajka Masiixiyiinta Ethiopia iyo bulshada Yuhuuda ee Israel ee ku dhaqan Ethiopia.

 

Warbixinta ayaa sidoo kale, lagu sheegay in Xidhiidhka casriga ah ee labada dal  uu ahaa mid rasmi ah 1956-kii, iyada oo xilligaa safaarado laga furay Addis Ababa iyo Jerusalem. Wadashaqeyntii hore waxaa ka mid ahaa caawinta Israel ee dhanka tababbarka millateriga iyo kor u qaadida awooda Ethiopia, isagoo xusay in Aasaaskan uu dhidibbada u taagay iskaashiga kala duwan ee maanta muuqda labada dal Israel iyo Ethiopia.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com