X
    Categories: Warar

Ergooyin Nabadeed Iyo Wefdi Uu Hoggaaminayo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaafta Somaliland oo Gaadhay Deegaanka Ceegaag Ee Buuhoodle

Ceegaag(ANN)- Ergooyin ay kala hoggaaminayaan Odayaal dhaqan iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Aadan Cabdullaahi Cabdalle oo isagu Xukuumadda ka socda, ayaa maanta gaadhay deegaanka Ceegaag ee gobolka Buuhoodle

Ergooyin Odayaal nabadeed Ceegaag

Xukuumadda Somaliland iyo Odayaasha Dhaqanka Beelaha, ayaa ah Ergooyinkii ugu horreeyey ee u socda dedaallada lagu deminayo shaqaaqada ka dhexmartay labadaas beelood ee dhawaan ka soo cusboonaatay deegaannada Horufadhi iyo Ceegaag.

Labada Beelood ee walaalaha ah ee deegaannadaas wada dega, ayaa hub-urursi bilaabay, ka dib markii dilal ku dhex-mareen labadaas beelood deegaanka Gocondhaale oo 18 km xagga Galbeed ka xigta Ceegaag.

Waxaanay Dadka deegaanku ku dedaalayaan deminta shaqaaqadaas oo ay werwer ka muujiyeen haddii aan dhaqso wax looga qaban inay sababi karto colaad khasaare naf iyo maalba leh keeni karta, iyaga oo Ciidanka Qaranka Somaliland, ay ku guulaysteen inay kala dhex-galaan labadaas beelood ee walaalaha ah, si aanay wax dambe oo dhib ahi uga dhex dhicin.

Odayaasha dhaqanka ee Ergooyinka ah iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Aadan Cabdullaahi Cabdalle oo ku sugan Ceegaag.

Dedaallada nabadda loogu jiro waxaa ka mid ah Shir Isniinta maanta ka qabsoomay degmada Ceegaag oo ay ka qaybgaleen Wax-garad, Cuqaal, Aoonyahayn iyo Waftiga ka socda Xukuumadda Somaliland oo ee hoggaaminayo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalle, ayaa lagu gorfeeyey xallinta mushkkladda iyo muhiimadda ay adkaynta nabadgelyadu u leedahay jiritaanka Bulsho.

Caaqil Cawil Cali Abbokor, Caaqil Xiis Ibraahim Raygal, Caaqil Cabdi Ciise Guduri iyo Xubno kale oo Odayaal iyo iyo Waxgaradka Ergada iyo Beelaha nabadayntooda loo fadhiyo ka mid ah ah, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanay Odayaasha labada daraf ballan-qaadeen inay diyaar u yihiin wax kasta oo nabadda lagu xoojinayo, isla markaana soo dhawaynayaan Ergooyinka nabadeed ee Dowladda Somaliland yo Deegaannada kala duwan ka socda.
Ugu dambeyntii, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalle, ayaa halkaasi ka hadlay, isla markaana ka hadlay muhiimadda nabadda, sida ay Xukuumaddu isaga xil-saarayso adkaynta nabadgelyada iyo Salaan uu Ergada uga siday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

“Waxaan doonayaa inaan idin idhaahdo aad baad u mahadsantiin, Allaah khayr haydin siiyo. Waxyaabaha ugu wanaagsan bay ka mid tahay Dad walaalahaa ah oo walaalohood u soo gurmaday oo xal waara oo nabadeed u yimi, waana mid ka mid ah ka shaqaynta wanaagga iyo nabadda.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo hadalkiisa sii wataa, waxa uu intaas ku ladhay; “Dawladda Somaliland-na waxay diyaar u tahay oo ay dedaal badan ku bixinaysaa in nabad waarta la helo, waa arrin gobonnimo leh oo Illaahay raalli ka yahay. Maaddaama oo aynu ognahay qiimaha ay nabaddu leedahay, nabad la’aanina tahay nolol la’aan. Aniga oo ka wakiil ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaan idiinka sidaa, mahadnaq iyo bogaadin aan, Dowlad ahaanna waannu ogeyn Ergadani inay imanayso, waanan idin soo dhawaynaynaa.”

Ergooyin kale oo isugu jira Madax-dhaqameed iyo Wax-garad deegaanno kala duwan ka soo ambabaxay, ayaa iyagana la filayaa inay saacadaha iyo maalmaha soo socda soo gaadhaan deegaanka Ceegaag oo gogosha nabadeed taallo, halkaas oo uu qorshuhu yahay in xadhigga nabad-waarta lagu xoojiyo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post