warar lagu baahiyay Aljazeera, ayaa lagu xaqiijiyay is casilaada Ergayga qaramada midobay ee Yemen.
Arrintan ayaa kusoo beegantay iyadoo uu sii kordhayo loolanka siyaasadeed ee xulufada Sucuudiga I yo dhinaca kasoo horjeeda dumaynta dhinaca cirka ee Sucuudigu ku ha yo Yemen oo ay dawlada Iran hormood u tahay.
Waxàana hadda isku màandhaafay Arrinta Yemen Raysal Wasaaraha Iraq Haider Al-Abadi, ayaa si kulul u weeraray duqaynta Sucuudiga ee Yemen, wuxuuna sheegay inuu qoraal arrintàa ka hadlaya u gudbiyay xukuumadda Washington, balse sarkaal lagu magcaabo Alistair Baskey u hadlay Washington, ayàa sheegay in aanay Raysal aware Abadi iyo Madaxweyne Obama ka wadahadlin arrinta dalka Yemen.
Arrintan ayaa xiisad siyaasadeed ka dhex abuurtay Washington I yo Al Abadi oo xulufo ku ah dagaalka suniyiinta ISIS, iyadoo dhinaca Yemen kooxda Shiicada ee dalalka Sucuudigu hormoodka u yahay ku wadaan duqaymo dhinaca cirka ah, balse waxay u muuqataa inay hada taasi is xulufaysigii hore iyo xaalada mandaqada bariga dheiyo iyo khaliijka waxbadan ka be delay.