X

Ergayga Gaarka Ah Ee Qaramada Miidoobay Iyo Madaxweynaha Somaliland Oo Isla Faaqiday Arrimaha Collaadda Bariga

 

Booqashada Xilligan Xaasaasiga Ah Iyo James Swan Garnaqsiga Madaxweynaha Somaliland 

#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)- Socdaalkii u horeeyay ay uu Ergayga khaaska ah ee Xoghayaha Qaramada  Midoobay James Swan ku yimi Somaliland, tan iyo markii Madaxweynaha Somaliand la wareegay xafiiska doorashadii 13 Nov 2024.

Erayga khaaska ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay James Swan wuxuu kulan saacado qaatay la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo ku qaabilay dublamaasiga iyo xubnaha la socday qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo ay ku weheliyeen xubno ka tirsan Xukuumaddiisa ayaa ahaa mid aannay saxaafadda goob joog ka ahayn, balse markii kulanka dhammaaday Xuseen Aadan Deyr oo ah Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland ayaa ku  tilmaamay kulanka inuu ahaa mid mihiim ah.

War-saxaafadeedka , ayaa lagu xusay arrimo baddan, balse ugu horrayn waxa lagu sheegay in Ergeyga Xoghayaha Qaramada Midoobay Madaxweynaha JSL ugu bogaadiyay guushii uu ka gaadhay Tartanka doorashadii  Madaxtooyadda ee ka qabsoomay Somaliland 𝟏𝟑.𝟏𝟏.𝟐𝟎𝟐𝟒. Wuxuuna Ergaygu Jamhuuriyadda Somaliland ku amaanay Tartankii dorashashoyinkii bilaa turxaanta ahaa ee ka dhacay Somaliland iyo qaabkii ilbaxnimada ahayd ee Xukunka loola kala wareegay .

Mr. James Swan wuxuu hoosta ka xariiqay in Hay’addaha Qaramadda Midoobay ay diyaar yihiin in ay sii wadaan shaqadda muhiimka ee ay Qaramada Midoobay ka waddo Somaliland.

Sidoo kale, waxa lagu xusay war-saxaafadeedka in Ergaygu Madaxweynaha ka waraystay qorshayaasha Xukuumaddiisa boqolka cisho ee u horeeya iyo waxa uu doonayo inuu qabto.

Dhinaca kale. Ergeyga Xoghayaha Qaramada Midoobay wuxuu si weyn u soo dhaweeyay baaqyaddii nabadda ee uu soo saaray Madaxwaynaha JSL, gaar ahaan in wada-hadal iyo hab nabbad lagu dhameeyo deegaanada ay ka jiraan shaqaaqooyinku, isagoo Madaxwaynaha ku bogaadiyay magacaabida Guddida Nabadda Qaranka JSL.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Ergeyga Xoghayaha Qaramada Midoobay uga mahad naqay safar hawleedka booqashadiisa xilligan ee Somaliland.

“Madaxweynaha Somaliland wuxuu qiray hawlaha baaxada leh ee soo jireenka ah (xag bini-aadanimo iyo xag horumarba) ee ay Hay’addaha Qaramada Midoobay ka fuliyaan Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu Ergeyga u sheegay in Xukuumadiisu ay si dhab ah mudnaanta u siinayso laba arrimood:

1) Nabad waarta,
2) Hirgelinta isbeddel dhinacyo baddan leh oo la taaban karo.”

Madaweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu Ergayga u sheegay in maalintii uu la wareegay xilka uu si rasmi ah ugu baaqay Gogol Nabadeed oo bilaa Shuruud ah, laakiin taa jawaabteedii ay noqotay in Bariga Somaliland weerarro is daba joog ah nalagaga soo qaado jihooyin kala duwan, wallow lagu xusay war-saxaafadeedka in Madaxweynuhu Ergayga u sheegay in arrimahaasi aannay ahayn kuwo Xukuumadiisa niyad-jabin doona  taas oo ab saababt loo aasaasay Guddida Nabadda Qaranka si ay:

1. U suurto galiyaan xabad-joojin bilaa shuruud ah,
2. Ay fududeeyaan is-dhaafsiga maxaabiista,
3. Dib u furaan jidadka xidhan ee muhiimka u ah isu socodka bulshadda iyo ganacsiga

Madaxweynuhu waxa uu Ergayga u xaqiijiyey in nabada iyo xasiloonida ka jirta Somaliland muddo ka badan 30 sano, ay wax weyn ku soo kordhisay Gobalka Geeska Africa. Sidaa tarteed ay Somaliland dalbanayso in Ururka Qaramada Midoobay uu Somaliland ka kaalmeeyo adkaynta iyo awooddaynta Lamaaha Amniga Somaliland JSL, si aanu awood ugu yeelano in aanu ka jawaabi karno ama aanu ka hor tagi karno khataraha waa weyn ee ka jira Gobolka Geeska Afrika, ayaa lagu yidhi, war-saxaafadeedka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa gunaanadkii tibaaxay in Xukuumadiisu ay diyaar u tahay in si dhaw ula shaqayso Hay’addaha Qaramadda Midoobay, Ururrada kale ee Caalamiga ah iyo Dawladdaha bixiya deeqaha si ay Somaliland u xoojiso arrimaha xagga Nabadda iyo Xasilloonida, Dib-u-habaynta Hay’addaha Qaranka JSL iyo hiigsiga ay Somaliland leedahay in ay gaadho horumar waara, ayuu yidhi, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro,

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post