X
    Categories: Warar

Ergada Guurtida Oo Ku Dhawaaqay Go’aanka Xalinta Khilaadfka Iyo Guddoomiyaha Wakiiladda Oo Dusha Loo Saaray Eedda Xeerka Diiwaangelinta Meddeniga Ah

Hargeysa(ANN)Ergada uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) oo ku dhawaaqay maanta go’aanka dhex-dhexaadinta. Kadibmarkii ay muddo todobaad ah qaadatay xal u helida Khilaafka golaha wakiiladda Somaliland.
Go’aanaka Ergada dhex-dhexaadinta oo saaka lagaga dhawaaqay Magaalada Hargeysa, waxa lagu laalay mooshinka la doonayay in xilka lagaga qaado guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Cirro. Sidoo kale waxa lagu soo qaaday in laga saaro Laaxinka Xeerka Diiwaabgelinta Medeniga ah oo ay mudanayaasha doonayay in ay xilka ka qaadan Guddoomiyaha u cuskanayeen sababaka ay xilka uga qaadayaan, iyagoo ku eedayay inuu gudbiyay wax ka duwan qodobadii xeerkaa ee goluhu u codeeyay.
Waxa sidoo kale go’aanka lagu sheegay in golaha wakiiladdu wato hawshiisa, isla markaana meesha ka saaro wixii khilaaf ah ee jira, balse waxa aan lagu soo darin go’aankaa sii deynta Xoghayihii Golaha Wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo la filayay in lagu soo qaado go’aanka ergada dhex-dhexaadinta.
Madasha lagaga dhawaaqay go’aamada waxa goob joog ka ahaa dhinacyada uu golaha wakiiladu u qaybsamay oo ay kala hoggaaminayaan Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo Guddoomiye Xigeenka Koowaad Baashe Maxamed Faarax, waxayna labada dhinacba soo dhoweeyeen go’aamada ay soo saareen Ergada Guurtidu.
Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post