X
    Categories: Warar

Eng. Maxamed Xaashi Oo Sheegay In Hannaanka Maamul Ee Xukuumadda iyo Baarlamanku Marayo Halkii Ugu Liidatay

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Wasiirkii hore ee Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay in hannaanka maamul ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Baarlamaanka Somaliland ay marayaan halkii ugu liidatay, sidaa darteedna loo baahan in la qabto doorasho xor iyo xallaal ah oo lagaga baxo dhibaatooyinka ka taagan dalka.
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid noqday Golihii Wasiirrada ee uu soo dhisay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), markii uu talada dalka la wareegay sannadkii 2010-kii, waxa uu tilmaamay in baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Golaha Wakiilladu) ay ku fadhiyaan muddo-kordhin xaaraan ah oo aan waafaqsanayn sharciga.
“Hanti-dhawrkii qaranku ma jiro, baarlamankii ma jiro oo waxa uu baarlamankii marayaa meeshii ugu liidatay oo codka ayey iibsanayaan. Muddo-kordhintuna waa shay xaaraan ah marka aanay sharci ku fadhiyin, marka uu sharci xaaraan ah ku fadhiyana (xilka ku hayo) waxa uu ka dheefaana waa xaaraan, inta ay xaaraan kugu jirtana Ilaahay cibaado kaama aqbalayo, kolkaa waxa weeyaa xajka ha tageen amma meesha ay doonayaan ha tageen ee maaha kuwo Ilaahay wax ka aqbalayo, waayo waxa ay cunayaan ayaa xaaraan ah, baarlamaankuna waa baarlamaankii ugu xumaa, kolkaa waxa weeyaan nidaamkeena oo dhan ayaa ah nidaam faashil ah, waxayna u baahan tahay in dib loogu noqdo, Madaxweynuhuna uu iska nasto, ciddii qabanaysaa (xilka) ha qabato oo aynu doorashada uun qabano, waxaannna daruuri ah in doorasho xor iyo xallaal ah dhacdo,” ayuu yidhi Eng-Maxamed Xaashi Cilmi oo warraysi siiyey telefiishanka Eryal TV.
Waxaannu intaas ku daray; “Waa in loo daneeyo dadweynaha oo dawladdu ku shaqayso wixii ay ku jirto danta dadweynuhu, waxaanna jirta in dadweynuhu ay yihiin dad baahan oo waa la shaqo la’yahay, xoolihii dhoofayeyna way joogsadeen, abaarihii ayaa jira oo wax badan ayaa soo kordhay, kolkaa waxa ay maciishaddii noqonaysaa wax cirka isku shareera. Lacag badan ayaa inagaga baxda qaadka oo markii iigu dambaysay lacag dhan $1,180,000 (hal milyan, boqol iyo siddeetan kun oo doollar) ayaa maalin kasta inagaga baxaysay qaadka oo u tallaabasay Itoobiya, waana lacag fara badan oo aan siyaasad laga lahayn, waayo qaadka waxa ay ahayn in dawladdu ay siyaasad ka yeelato.”
Waxa kaloo uu ka hadlay dhibaatooyinka ay leedahay shaqo la’aanta badan ee ka jirta dalka Somaliland, waxaannu yidhi; “Shaqo la’aantan badan iyaduna dhibaatadeeda ayey leedahay, wax lagu tabcana waxa ugu wanaagsan bani’aadamka amma khayraadka dadka (human resources), markaa baahi badan ayaa jirta oo sicir-barar qudhi ma jiree wasiir barar ayaa isna jira oo waxa weeyaan 70 wasiir iyo toban lacagta hoos u qaata oo aan xil hayn oo xafiis tegin, qaarkoodna la yidhaaho xil-sugeyaal.”
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sidoo kale sheegay in shaqaalaha dawladdu aanay qaadan mushahar ku filan oo ay kaga baxaan xilligan uu dalka ka taagan yahay sicir-bararku, isla markaana qiimaha maciishadu sare u kacday.
“Shaqaalaha dawladdu marka horeba lacag badan ma qaadan jirin oo waxyar ayey qaadan jireen, marka sicir-bararku ku habsadana waxa ay noqonaysaa in dakhligiina yaraado oo dadkani (shaqaaluhu) way noolaanayaan, waxa ay ku noolaadaana halkan (lunsiga lacagta ummadda) ayey ka soo saarayaan, waxayna ahayd in shaqaalaha dawladda iyo ciidamada la daryeelo oo xilli walba lala socdo halka mushaharkoodu marayo iyo halka ay maciishadu marayso oo la isku miisaamo labadaas, waayo, ninkan aad lacagta ka filayso ee lacagta soo ururinayaa haddii aannu wax uu ku noolaado aannu qaadan (mushahar ku filan), horta waa inuu rudho (qayb kala hadho) isagu, waana wax dabiici ah oo ma doonayo in carruurtiidu bakhtido, markaa waxa inaga dhiman oo meesha ka baxay talo-galkii,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post