X
    Categories: Warar

Eng. Maxamed Xaashi oo Sheegay in Guddoomiye Faysal Masuul ka Yahay Khilaafka Xisbiga UCID

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN) Wasiirkii hore ee Maaliyadda xukuumadda KULMIYE Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay in khilaafka xisbiga UCID uu ka yimi wadashaqayn la’aanta hoggaankii xisbiga oo uu kow ka yahay Guddoomiye Faysal Cali-waraabe.
Eng. Maxamed Xaashi waxa uu xusay in Guddoomiyaha UCID uu isku wadi kariwaayey xisbigiisa, taa beddelkeedana uu isagu yeeshay damac aan hore ugu jirin, taasina qayb ka tahay dhibaatada haysta xisbigaasi.
“UCID waxa uu samaystay guddoomiye xisbi iyo murrashax iyo ku-xigeen xisbi, inay taa raacaan ayey ahayd, waxa jira marka meel wax lagaaga yar sanqadhiyo xoolahaaba daymooda, markaa nimankii madaxda ahaa weliba Faysal oo kale oo muddo dheer soo hayey Abti baan u ahay oo inaan ku fogaado doonimaayo ee halkii laguma joogin oo aynu wax wada dhisno lama odhan ee carqalado kale ayaa soo galay oo aynaan inta badan warkoodaba hayn. Markaa waxaan qabaa taa UCID in ay xagga guddoomiyaha (Faysal Cali-waraabe) ka socoto oo uu isku wadi kariwaayey xisbigii, damaciisiina meesha soo galay oo aan kolkii hore ku jirin meesha,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi oo u warramay warbaahinta maxalliga ah.
Mar wax laga waydiiyey sababta isagu qayb uga mid noqnwaayey dhexdhexaadinta labada dhinac ee isku haya xisbiga UCID, maadaama aannu ku jirin xisbiyada isku haya siyaasadda, waxa uu yidhi, “Markaad cid dhexdooda galayso horta waa inaad kalsoonidooda haysataa, markay adiga wax kugu yaqaanaan ama kugu ogyihiina qaar baan kuuba imanayn, ka wax xumaynayaa kuu iman maayo oo raali ka noqonmaayo dhexgalkaaga, markaa nin dariiq khaldan marayaa Ina Xaashi soo doonan maayo ayaan u malaynayaa.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post