X
    Categories: Warar

Eng. Faysal Oo Ka Hadlay Dhawaaq Kasoo Baxay Ra’iisal Wasaaraha Somalia Iyo Kulan Saddex Geesood Ah Oo Ka Dhacay Dubai

Araweelo News Network

 

Eng. Faysal Cali Waraabe

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay kulan dalka Imaaraadka ku dhexmaray maalmihii lasoo dhaafay Dalalka Somaliland, Ethiopia Iyo Shirkadda DP. World

 

Xisbiga Caddaalada Iyo Daryeelka UCID, Waxaa uu soo dhawaynayaa heshiiskii saddex geesood-ka ahaa ee 1-dii March 2018-ka, ku dhex maray Dalka Imaaraadka Carabta, Wadamada Somaliland, Ethopia iyo shirkadda DP World, kaas oo lagaga hadlay sidii looga midha dhalin lahaa Heshiiskaa maalgashiga ee DP. World.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga UCID, waxa kale oo lagaga hadlay dhawaaq kasoo baxay Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo ka hadlay  mawqifka xukuumaddiisa ee Heshiiska Dekedda Berbera.

Qoraal saxaafadeedkaa oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa u dhignaa sidan:-

“Xisbiga UCID Waxa uu heshiiskaasi u arkaa Guul-taariikhi ah oo u soo hoyatay Shacabka Reer Somaliland.

Heshiiskan ayaa noqday mid ay somaliland ku gaadhay hamigeedi ahaa in ay dunida si toos ah ula macaamisho, sidoo kalena waxaa uu heshiiskani muujiyay in ay somaliland tahay qaran la isku halayn-karo amaankiisa iyo shuruucdiisaba, galina-kara heshiisyo waawaayn oo masiiri ah.

Hadaba Heshiiskani waxaa uu bar-bilaw fiican u yahay in shacabka reer Somaliland ka faa’idaystaan khayraad-kooda dabiiciga ah iyo mawqica istaaraatijiga ah ee uu ilaahay dhigay.

Sidoo kalena Heshiiskani waxaa uu sahlayaa in dekedda Caalamiga ah ee Berbera ay si fudud ugu adeegi karto Dalka ay dadka badani ku nool-yihiin ee Ethopia iyo wadamadda kale ee aan badaha lahayn ee Africa.

Xisbiga UCID waxa uu cambaaraynayaa hadalkii shalay ka soo yeedhay Raysal Wasaaraha Somalia ee ku aaddanaa heshiiska Dekedda Berbera.

Xisbiga UCID waxaa uu arkaa Hadalka Raysal Wasaaraha in uu ka soo hor jeedo jiritaanka iyo madax-banaanida Somaliland, sidoo kalena waxa uu si toos ah uga hor imanaya heshiisyadii ay hore u kala saxeexdeen dawladaha Somaliland iyo Somalia .

Sidoo kale Hadalka Raysal Wasaaraha Somalia, waxaa uu muujinayaa Cadaawada ay xukuumadda Muqdisho ay u qabto shacabka Reer Somaliland, iyo sida ay uga soo hor jeedo horumar kasta oo ay Somaliland Gaadho .

Waxa aanu Raysal Wasaaraha Somalia u cadaynaynaa in aanu Jaanis Dilaalnimo uga banaanayn Heshiis-yada Horumarineed ee ay Jamhuuriyadda Somaliland la galayso Beesha Caalamka, sidoo kalena Waxaanu xasuusinaynaa Raysal Wasaaraha in Maamul-ka Puntland ee Somalia uu heshiis aanay Xukuumadiisu waxba ka ogayn uu la galay Shirkadda P&O Ports, Wax talaabo ahna aanay xukuumadiisu ka qaadin .

Ugu dambayn Xisbiga UCID waxa uu shacabka Reer Somaliland ku boorinayaa in ay midnimada iyo wada jir-ka iyo horumarka dalkooda meel uga soo wada jeestaan wakhtiga xasaasiga ah.”

ALLAA MAHAD LEH

Guddoomiyaha Xisbiga UCID

Eng:Faysal Cali Waraabe

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post