X
    Categories: Warar

Eng. Faysal Cali-waraabe Oo Soo jeediyey Tallooyin La Xidhiidha Gurmadka lagu Taakulaynayo Dadka Abaaruhu Saamaynta Ku Yeesheen

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa ka warbixiyey shir lagu soo bandhigay maalgashiga khayraadka dihin ee ku jira dhulka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay dalka Jarmalka.
Guddoomiye Faysal Cali-waraabe oo ka qaybgalay shirkaasi, ayaa hadal uu warbaahinta siiyey shalay kadib markii uu ka soo degay madaarka diyaaradaha ee caasimadda Hargeysa, waxa uu ka xog-warramay shirkaasi oo ay isugu yimaadeen kambaniyo waawayn oo ka jira dalka Jarmalka iyo ganacsatada reer Somaliland, kaasi oo uu xusay in isaga iyo xubno kale oo reer Somaliland ahi ka shaqaynayeen muddo laba sanno ah sidii uu u hirgali lahaa.
“Shirkaasi laba jeer buu dib u dhacay, markii hore waxa imanayey ilaa kontan kambani oo Jarmal ah, mar saddexaadkii iska qarbo-qarbay ahayd waxa ka soo qaybgalay ilaa 18 kambani oo Jarmal ah, innaga Somaliland ilaa 24 shirkadood baa yimi shirka, wasiirradii Ganacsiga & Maalgalinta iyo Arrimaha Dibadduna way joogeen. Shirkaa waxa lagaga warramay waxyaabaha Somaliland Ilaahay ku mannaystay, waxaanna la soo jeediyey in shirkaa shirkiisa kale lagu qabto Somaliland, si ay u yimaadaan kambaniyada Jarmalku oo ay dhulkeenna u arkaan oo aannu soo tusno dhulka oo dhan khayraadka yaala,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.
Waxa kaloo uu sheegay in isaga iyo masuuliyiinta Somaliland ee ka qaybgalay shirku ay sameeyeen wacyigelin la xidhiidha gurmadka abaarta daran ee ka jirta gobollada bari ee Somaliland, iyadoo wasiirrada Ganacsiga iyo Khaarajigu socdaal ku marayaan dhawr waddan oo ka tirsan Yurub si ay u abaabulaan jaaliyadaha reer Somaliland, waxaannu soo jeediyey talooyin ku saabsan taakulada dadka jilicsan, waxaannu yidhi, “Hawsha gurmadka abaarta waa nidaam loo sameeyo, guddiyo hoose la sameeyo iyo guddi kale oo kormeerta in dadka wixii loo keenay ay gaadheen, in xeryo dadka lagu quudiyo la sameeyo, marka roobku da’ana xoolo loo iibiyo oo lagu celiyo dhaqankoodii iyo dhulkii ay ku noolaayeen, markaa hawl culus baa innagu beegan, Ilaahayna waxba kuma aha inuu roobka keeno, haddii roobku yimaadana kolay calaf iyo caws baan jirin oo muddo ayey soconaysaa arrintani, markaa waxaannu leenahay shacabka reer Somaliland ha kacaan oo magaalooyinka ha lala maro sanaaduuq lagu guro qofba wixii uu heli karo, nidaam dhaqaale ururin loo sameeyo ayey u baahan tahay abaartu. Tujaarta ballanqaaday lacagta milyan iyo dheeraadka ah iyo dawladdana waanu ammaanaynaa, baryada Ilaahay aynu badinno.”
Ugu dambayntii, waxa uu tilmaamay sababaha keenay abaarta inay ku tacaluqdo dambiyo laga galay Ilaahay, “Dhibaatada inna haysata ee abaarta innagu salliday waxa weeye camalkeennii baa xumaaday, qabyaaladdeenii iyo xaasidkii baa xumaaday, Af-soomaaligeennii baa xumaaday, in dadku Muslim weeye aynu af wanaagsan ku hadalnaa weeye, macsidii baa badatay, ummad Muslim ah baynu nahay oo Ilaahay wuu inoo ballanqaaday haddaynu dariiqa ka leexanno inuu inna ciqaabayo, markaa aynu isa saamaxno oo wanaagga ka shaqayno, fusaqa iyo waxyaabaha la inoo soo raacaya ee cadhada Ilaahay innagu dhacayso ha la isla daayo ayaan leeyahay,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Faysal Cali-waraabe.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post