X
    Categories: Warar

Eng. Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Guddoomiyaha WADDANI, Dunida Ka Dhaadhiciyay In Aanay Doorashada Somaliland Dhacayn

Faysal Cali Waraabe, image file Araweelo News Network, 20 May 2019

Nairobi (ANN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka mid ahaa Wefdi ka socda Xisbiyada Somaliland ee KULMIYE iyo UCID oo Socdaal ku tagay Nairobi, ayaa ka warramay Ujeeddada socdaalkooda iyo waxyaabihii ay la kulmeen..

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe,oo waraysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda OVA-da, ayaa sheegay in ujeeddada socdaalka ahayd sidii ay dalalka Qaadhaan-bixiyeyaasha ee Somaliland ka taageera Doorashooyinka warbixin uga siiyaan halka ay maray waan-waantii iyo xal laga gaadhay khilaafka doorashada iyo Komiishanka Somaliland.

 “Waxaanu u nimi inaanu waddamada naga taageera doorashooyinka uga soo warrano horumarka aanu ka gaadhnay wada-hadalladii Axsaabta iyo Arrintii Komiishanka..”ayuu yidhi.

Eng, Faysal, wuxuu eedaymo u jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan-Cirro oo uu sheegay inuu Beesha Caalamka siiyey War aan sax ahayn, wuxuuna, isagoo arrintaa ka hadlaya Faysal Yidhi,  “Waxa halkan (Nairobi) hore u yimi Cabdiraxmaan (Guddoomiyaha WADDANI) oo wararka aanu hellay sheegeen inuu war xun siiyey dadka oo uu dalka ka bajiyey, waxaanuna u sheegaynaa in aanay Somaliland ka jirin wax xumaan ah iyo Qabaa’il is dilayaa iyo hadduu Cabdiraxmaan-Cirro uu shaqsi ahaan yidhaahdo yaan doorashada la gelin in dadku diyaar u yahay inay doorashada galaan, markaa Cabdiraxmaan ayaanu tusaynay in xalka Somaliland aanu oolin Nairobi ee uu Somaliland dhexdeeda yaallo..”

Sidoo kale, guddoomiyaha UCID, wuxuu guddoomiyaha WADDANI ku eedeeyay inuu Beesha caalamka kula taliyey in aanay wax lacag ah ku bixin doorashada Somaliland, isagoo sheegay in aanay jirin wax heshiis ah oo laga gaadhay muranka doorashada iyo arrinta Komishanka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post