X

Eng. Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Dagaalka Ethiopia Iyo Mawqifka Somaliland

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, 12 Jun 2021, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay arrimaha dagaalka dalka Ethiopia iyo socdaalkii Madaxweynaha Kililka Shannaad ee Ethiopia ku yimi Somaliland.

Sidoo kale, Eng. Faysal wuxuu ka hadlay socdaalka Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw) ee magaaladda Muqdisho iyo hawlaha uu halkaa ka qabtay oo uu ku amaanay, balse waxa uu sheegay in uu la yaabay hadalo loogu hanjabayo “Boqor Cismaan “Buur-madaw”.

Faysal Cali Waraabe, wuxuu marka hore ka hadlay dagaalka dalka Ethiopia, isagoo yidhi, “Dalka anigu waan ka maqnaa, waxaa dhowaan yimi Somaliland, Madaxweynaha Kililka Shannaad ee dalka Ethioia, waxaana laga bixiyay faallooyin baddan” ayuu yidhi.

Guddoomiye Faysal oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa, wuxuu tilmaamay in siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliland tahay mid ku fadhida deris-wanaag iyo in dalalka jaarka lagula noolaado.

“Annaga “Somaliland” iyo Ethiopia, waxaa naga dhexeeya xidhiidh wanaagsan iyo jaarnimo aya naga dhexeeyay, waxaan wadaagnaa xad 450km, Dekeddayadu waxay u furantahay Ethiopia iyo wixii ka shisheeya, waana ta aannu xilligan balaadhinayo.”ayuu yidhi.

Hase yeeshee, Eng. Faysal Cali Waraabe, wuxuu sheegay in xaaladda dagaalka xilligan ee Ethiopia ay Somaliland kala mawqif tahay dalalka aduunka.

“Ethiopia arrimeeda guddaha ma dhexgelayno, waxaanuse dagaalka ka socda Ethiopia kala mawqif nahay aduunka in wadahadal lagu dhameeyo collaadda oo ficil iyo dan shaqsi laga saaro oo shaqsiyaad is neceb waa in ay u tudhaan shacbigooda.”

Guddoomiye Faysal, wuxuu sheegay in Ethiopia ahmiyad weyn u leedahay gobolka geeska Afrika, sidaa awgeed wuxuu yidhi, “Ethiopia waa halbawlaha geeska Afrika, nabadeedu waxay wax weyn ka tartaa deganaashaha geeska, dhibaatadeeduna waxay noqon kartaa mid ku fidda geeska Afrika sidaa awgeed waxaan leenahay labada dhinac xil weyn ayaa idin saaran ee ficilka dhexdiinu yaanu idinka dedin.”

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post