X
    Categories: Warar

Eng. Faysal Cali Waraabe Oo Ka Digay Shirqool Somaliland Kusoo Waajahan

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, 7 December 2019, Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka diagy qorshayaal shirqoollo ka dhan ah midnimada iyo xasiloonida Somaliland, kuwaas oo uu sheegay ka socdaan meelo kala duwan oo uu carab-baabay.

Eng. Faysal, ayaa isagoo ka hadlaya shirqoolada kusoo waajahan Somaliland, wuxuu xusay inuu qayb yahay Safiirka Soomaaliya ee dhowaan loo magcaabay dalka Ethiopia, isla markaana ah Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey)

“Waxa la doonayaa in IGAD laga soo ansixiyo maamul la yidhaahdo Maakhir oo laga samaynayo Sanaag, Sool iyo Buuhoodle”ayuu yidhi isagoo iftiiminaya sida aanay Somaliland ugu diyaar ugu aahyn in ay ka hortagto khataraha siyaasaddeed ee loo maleegayo.
Eng. Faysal Cali Waraabe, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu maanta ka hadlayey munaasibad lagu qabtay magaalada Hargeysa oo Agaasimhii Dallada dhalinyarada Somaliland ee SONYO, xilka kula wareegayay.
“Haddii aynaan u midoobin arrimahaa socda kama hortegi karno. maanta waxaynu maraynaa in aynaan adduunka saaxiib qudha ku lahayn”ayuu yidhi, Eng. Faysal Cali Waraabe, wuxuuna ugu baaqay dhalinyarada inay u midoobaan ilaalinta Qaranimada iyo inay ka xoroobaan qabyaalada iyo kala qaybinta, isla markaana ay dhalinyaradu qaranimada ka fekeraan.
Eng. Faysal, wuxuu sheegay in khilaafka iyo kala qaybsanaanta gudaha Somaliland laga faa’idaysanayo, sidaa awgeed wuxuu tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in doorasho ka dhacdo dalka, isagoo dhankiisa sheegay inuu ka shaqaynayo sidii doorashadu u qabsoomi lahayd, isla markaana dad wanaagsan loo soo dooran lahaa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post