X
    Categories: Warar

Eng. Cali Xoor-xoor oo Beeniyey inuu ku Biirayo Xisbiga WADDANI

Araweelo News Network

Addis Ababa (ANN)Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), ayaa beeniyey laga baahiyey oo sheegayey inuu ku biirayo xisbiga WADDANI.

Eng. Cali Xoor-xoor waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay war uu ka baahiyey wargeyska Foore oo uu ku sheegay in isaga iyo siyaasiyiin uu hoggaaminayaa wadahadal ay ugu wareegayaan la bilaabeen mucaaradka.
“Ma jirto wadahadalo na dhexmaray xisbiga Waddani iyo in aan ku biirayo xisbigaasi, warkaasina maa mid been-abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn. Anigu waxaan ka tirsanahay Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE iyo dawladdiisa oo aan la soo shaqeeyay, haddana aan la shaqeeyaa, markaa qolyaha warkaas qoray waxan leeyahay adeer intaydaan warka baahin horta xogta rasmiga ah raadiya cidda ay khusaysana wax ka weydiiya si warkiinu u noqdo mid la hubo,” ayuu yidhi Eng. Cali Xoor-xoor oo isagoo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya khadka telefoonka kula soo xidhiidhay suxufiga Cabdikariin Siciid Saalax, ahna tifaftiraha shabakadda wararka Internetka ee Horseednews.com.

Waxaannu isagoo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray, “Waxba kama jiraan siyaasiyiin iyo taageerayaal aan hoggaaminayo oo iyaguna ku biiraya Waddani iyo wadahadallo na dhexmaray toona.”

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post