X
    Categories: Warar

Duullimaadkii U Horreeyay Ee Xajka Oo Ka Duulay Madaarka Hargeysa Iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Oo Ka Hadlay

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)Masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadlay adeegyada loo diyaariyey dadka xujaajta ah ee ka dhoofaya dalka sannadkan 2016, kuwaas dufcaddii u horraysay ka duuleen Madaarka Hargeysa shalay.

Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Duulista Md. Axmed Nuur Faahiye iyo Agaasimaha Guud Md. Cumar Cabdillaahi Aadan oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa caddeeyey in xilligii gudashada xajku si rasmi ah u bilaabmay, kuwaasoo shaaciyey tirada muwaaddiniinta reer Somaliland ee sannadkan soo gudanaya waajibaadka xajka oo gaadhaya 2000 (laba kun) oo xaaji.
“Runtii aad iyo aad ayaannu u soo dhaweynay madaar ahaan sannadkan waxa uu kaga duwan yahay sannadihii hore ee xajka, qurbo-jooggii faraha badnaa ee yimi xilligan xagaaga oo ah waqtigii ay noqonayeen iyo xujaajtii ayaa isku beegmay, markaa Madaarka Cigaal aad iyo aad ayuu mashquul u yahay.” Sidaa waxa yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista.
“Laakiin, dadweynaha dhoofaya waxaannu u sheegaynaa Madaarku in uu yahay mid qaadi kara dadka oo ay u diyaar yihiin shaqaale loo carbiyey oo gudan kara waajibaadkooda, soo dhaweyntii ay u baahnaayena runtii waannu samaynay. Ilaa laba kun oo xaaji ayaa tagi doona sannadkan, kuwaasoo raaci doona ugu yaraan shan iyo toban duullimaad, adeeg wanaagsanna waannu u fidin doonnaa haddii Alle idmo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Duulista Md. Axmed Nuur Faahiye, ayaa isna sheegay in dadka xujaajta ah loo diyaariyey adeegyada ay u baahan yihiin, isagoo ugu duceeyey xujaajta in Ilaahay (SWT) uu ka aqbalo xajkooda.
“Madaarka Cigaal waxa uu u sameeyay wax kasta oo lagu raaligalinayo xujaajta, waxana loo sameeyay meel ay fadhiistaan, meel ay ku nastaan. Waxa kaloo sameeyay tallaalkii oo ay naga saaciday Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo sidoo kale ay Wasaaradda Duulista iyo Madaarkuba u diyaariyeen, una fududeeyeen, waxaanan Ilaahay (SWT) ka baryeynaa in uu dadka xujaajta ah ka aqbalo xajkooda, annaga uu miisaanka xasannaadka noogu daro,” ayuu yidhi Faahiye.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post