Araweelo News Network

Pilot Vlatko Vodopivec

Pilot Vlatko Vodopivec


Muqdisho (ANN)Duuliyaha waday diyaaradda Daallo Airlines ee bamka ku qarxay dalooliyey qayb ka mid ah maalintii Salaasada ee toddobaadkii hore, ayaa sheegay in aannu wax ammaan ah ka jirin madaarka magaalada Muqdisho.

Pilot. Vlatko Vodopivec, oo u dhashay dalka Seerbiya (Serbia), ayaa saxaafadda u sheegay in aan la isku halayn karin garoonka diyaaradaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo xusay in aan si fiican loo baadhin dadka.
“Wax ammaan ah kama jiro, amnigu waa siiro (Zero), markii aannu joognay madaarka ee diyaaraddu taagnayd, qiyaastii 20 qof ilaa 30 ruux ayaa dhabbadaha iyo halka diyaaraddu taalay soo galayey oo kolba dhan u socday, mana jirin cid baadhaysa ama hubinaysay, iyagoo mararka qaarkood diyaaradda gudaha u galayey, marna ka baxayey, mana jirin cid garanaysay cidda kale…markaa waxa ay doonaan ayey dhex dhigi kaaraan marka rakaabku fuulaan ama ka degaan diyaaradda,” ayuu yidhi duuliyaha maamulayey diyaaradda Daallo Airlines ee dhibku qabsaday.Mr. Vlatko Vodopivec
Waxa kaloo uu ka hadlay khatarta ay la kulmi lahaayeen dadka rakaabka ah iyo diyaaradduba haddii duulimaadkoodu ka sarayn lahaa halka ay waqtigaas ku duulayeen, waxaannu yidhi; “Haddii aannu meel sare oo hawada ah mari lahayn diyaaraddu way burburi lahayn, kadib marka qaraxu dhacay, laakiin hadda diyaaraddu joog hoose ayey ku duulaysay, sidaas darteed wax walba si caadi ah ayey noogu shaqeeyeen, qaraxa dhacayna wax saamayn ah kuma yeelan diyaaradda, haddii ay tahay mishiinnada iyo qaybaha kale ee muhiimka ahba.”
Duuliyaha ajaanibka ah, ayaa sidoo kale tilmaamay inuu si degan u maamulay diyaaradda, dibna ugu celiyey madaarka Muqdisho oo ay ka duushay markii hore, balse, waxa uu xusay in aan la isku halayn karin ammaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Dhinaca kale, sida lagu oggaaday baadhitaanno kala duwan oo la sameeyey, ninka rakaabka ah ee diyaaradda ka dhacay marka qaraxu dhacay oo magaciisa lagu sheegay Cabdillaahi Cabdisalaan Boodhle, ayaa la rumaysan yahay inuu ahaa qofka ka dambeeyey qaraxaas, inkastoo aan weli si rasmi ah loo caddayn arrintaas, isla markaana aanay jirin cid sheegatay qaraxa diyaaradda.

sidoo kale markii la dib loo eegay kamaradaha ammaanka (CCTV) ee ku yaal madaarka Muqdisho, waxa la xidhay ku dhowaad dhawr iyo labaatan qof, kuwaasoo qaarkood la arkay iyagoo isku dhiibaya qalab u eg kombuyuutarka gacanta ee la tuhunsan yahay in loo adeegsaday qaraxa diyaaradda.
Shirkadda diyaaradda ee Daallo, ayaa si ku-meel-gaadh ah u joojisay duulimaadyadii ay ku tegi jirtay madaarka Muqdisho, waxaa sidoo kale joogsaday duulimaadyo caalami ah oo madaarkaas isticmaali jiray.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com