X
    Categories: Warar

Duulimaadyadii U Horreeyay Ee Diyaaradaha Qaadka Oo Ka Degay Muqdisho

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN) Duulimaadyadii u horreeyay muddo ku dhow todobaad oo shixnado qaad ah sida ayaa saaka barqadii ka degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo shixnado qaadka miirooga loo yaqaan kasoo qaaday dhinaca dalka Kenya.
Dawlada taagta daran ee Somalia ayaa dhowaan joojisay Diyaaradihii Qaadka ka keeni jiray dalka Kenya, kuwaas oo xayirnaa muddo ku dhow todobaad.
Hase yeeshee Dowladda Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday inay dib u fasaxday qaadkii laga keeni jiray Kenya, kadib wada hadalo la xidhiidha arrimahaa dhex mareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.
Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyay in dib loo bilaabo qaadkii Ganacsiga ee Kenya laga keeni jiray, kaasoo dhibaato iyo culeys dhaqaale ku keenay Ganacsatada qaadka ee Kenya, kadib markii ay mamnuucday dowladda Soomaaliya maalmihii lasoo dhaafay oo loo diyaar garoobayay shirka madaxda IGAD ee shalay lagu soo gebagebeeyay Muqdisho.
Sidoo kale Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay In la joojiyo diyaaradaha Soomaaliya ka duulla ee sii marra Garoonka Magaaladda Wajeer, halkaas oo loogu hakiyo si loogu sameeyo baadhitaano dheeraad ah, waxa kale oo qodobada labada Madaxweyne ku heshiiyeen ka mid ahaa In muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo visaha dal-kugalka Kenya iyo In Bangiyada Kenya ay maalgashadaan dalka Soomaaliya, iyadoo arrimahaa loo saarayo guddi sida uu warbaahinta u sheegay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post