X

Duulaanka Putin wuu Burburin Doonaa NATO Haddii Ay Sii Wado Taageerada Ukraine”General Sir Richard Shirreff. Taliyihii Hore ee NATO

General Sir Richard Shirreff., Image File Araweelo News Network

Araweelo News Network.

Berlin (ANN)-Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz iyo Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa ku ka hadlay xaaladda dalka Ukraine, waxayna ka digeen sida ay xaaladda dagaalku usii xumaanay.

Labada hoggaamiye oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay, ayaa sheegay in aan la aqbalayn in Ruushku ku guulaysto dagaalka, isagoo Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz tilmaamay in ay sii wadayaan taageerada Ukraine, oo aannay aqbalayn in Ruushku isku baahiyo xuduudaha dalaka Yurub, isagoo guul sheeganaya.

Sidoo kale, labada hoggaamiye, waxay si badheedh ah u sheegeen in ay diyaarinayaan ciidamo si ay dalalka NATO iyo Madawga Yurub isaga difaacaan tallaabooyinka duullaanka Ruushka.

Hase yeeshee General Sir Richard Shirreff, oo ah Taliyihii hore ee NATO, ayaa ka digay burbur soo waajaha dalalka Midawga Yurub iyo NATO, haddii ay kusii socdaan siyaasada ay kula dhaqamayaan Ruushka iyo Ukraine.

General Sir Richard oo la weyiiyay hadalka labada Hoggaamiye iyo kulanka wasiirrada Arrimaha dibadda ee NATO, ayaa Waraysi uu siiyay warbaahinta Times Radio ka digay taageerada Ukraine ee NATO iyo Madawga Yurub.

“Haddii NATO ay sii wado bixinta difaaca hawadda ee Ukraine, duulaanka Putin wuu burburin doonaa dalalka NATO iyo Yurub. Ayuu yidhi, Taliyihii hore ee isbahaysiga NATO ee Yurub, General Sir Richard Shirreff, ayaa sidaa uu siiyay TimesRadio.

General Sir Richard, wuxuu ka digay tallaabooyinka ay Nato iyo Midawga Yurub oo uu Maraykanku weheliyaa qaadayaan, isagoo tilmaamay in aannay waxba ka beddelin xaaladda dagaalka, balse taageerada Millateri ee NATO iyo Yurub ay sii xoojiyeen hollaca dagaalka, taas oo sida uu sheegay khasab ka dhigtay dhinaca Ruushka in ay dhalinyaradu hubka wada qaataan, wuxuuna xusay in haddii aannay siyaasada Midawga Yurub iyo xulufadda NATO ee taageerada Ukraine wax laga beddelin ay ku burburi doonaan dalka NATO, taas oo Ruushka u saamaxay inuu qabsado dalal kale oo weerar ku qaado.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post