X
    Categories: Warar

Duulaanka Loo Balamay Ee Lagu Qaaday Moosil Oo Ah Magaalada labaad Ee Ugu Weyn Ciraaq

Araweelo News Network

Moosil (ANN)- Xulafo ka kooban dawlado iyo maleeshiyaad kala duwan, ayaa duullaan culus ku qaaday magaalada labaad ee ugu wayn dalka Ciraaq ee Moosil si ay uga qabsadaan ururka la magac-baxay Dawladda Islaamiga ah ee SISI.
Cutubyo ciidammo aad u fara badan oo wata hub culus, kana kala socda dawladdaha Ciraaq iyo Maraykanka oo wehelinayaan jabhad ka socota Ismaamulka Kurdiyiinta Ciraaq iyo maleeshiyaad isugu jira Shiico iyo qabaa’il Sunni ah, ayaa u dhaqaaqay jihada bari ee magaalada Moosil saqdii dhexe ee habeenimadii Isniintii, kadibna bilaabay duullaan ay ku eekeeyeen magaaladaasi oo xarun u ah kooxda xagjirka ah ee ka yaabisay reer galbeedka ee ISIS.

Sidoo kale, duullanka ciidammada dhinacyada kala duwani ku qaadeen Moosil waxa caawinaya oo barbar-socda weerar duqayn dhanka Cirka ah oo ay wadaan ciidamada xulafo Maraykanku hoggaaminayo oo isugu jirta dalalka reer galbeedka iyo kuwo Carab ah.
Ra’iisal-wasaaradaha dawladda Ciraaq Haider Al Abadi oo isagu shaaciyay bilowga weerarkan millatari ee Moosil, ayaa ku tilmaamay qorshahan inuu yahay mid horseedi doona guul lagu soo afjaro jiritaanka kooxda ISIS.
Hubka culus ee Cirka iyo Dhulkaba lagaga garaacayo magaalada Moosil maalintii koowaad ee duullaanka ayaa la maqlayey dhawaqiisa, sidoo kalena la arkayey qiiqa iyo uurada ka baxaysa hubka.
Khasaaraha uu gaystay weerarkani markiiba ayaa noqday mid ka mid ah bariishyada ugu muhiimsan ee ay leedahay magaalada Moosil oo lagu jaray duqayn Cirka ah, inkastoo aanay weli caddayn cidda masuuliyadda duqayntaasi leh, balse wakaaladda wararka ee kooxda ISIS oo la yidhaa AMAQ waxay ku eedaysay Maraykanku inuu jaray biriijkan oo isku xidha labada qaybood ee magaaladu ka kooban tahay. Waxaanna la sheegay in ujeeddada Maraykanku ka leeyahay goynta biriijkan si ay ugu adkaato dagaalyahannada Moosil inay si fudud u baxsadaan.

Dagaalkan oo ay ka qaybqaadanayaan boqolaal kun oo askari, ayaa lagu wadaa inay difaac adag kala kulmaan dagaalyahannada kooxda ISIS oo iyaguna si wayn ugu diyaar garoobay duullaanka, maadaama ay tahay magaalada ugu muhiimsan ee ku hadhay gacantooda, waxaanna la filayaa inuu magaalada ka dhaco dagaal faraha lagaga gubto oo la isugu soo baxo jidadka.
Magaalada Moosil ayaa haddii ay qabsadaan ciidammada xulafada ahi waxay u noqonaysaa guushii u waynayd ee ay ka gaadhaan ururka dawladda Islaamiga ah, sidoo kalena waxay kooxda ISIS u noqonaysaa khasaarihii ugu waynaa ee soo gaadhay.
Ugu dambayntii, duullaankan ayaa ah hawlgalkii millatari ugu waynaa ee ka dhaca Ciraaq wixii ka dambeeyey markii ciidammada Maraykanku ka baxeen dalkaasi sannadkii 2001. marka laga reebo Duulaankii lagu qaaday mararka baddan magaalada Faluuja.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post