X
    Categories: Warar

Duulaan Ciidamada Maraykanka Iyo AMISOM Qayb Ka Yihiin Oo Lagu Qaaday Deegaamo Al-shabaab Ka Taliso Ee Soomaaliya

Araweelo News Network

Amisom

Muqdisho(ANN)-Ciidamada Dawladda Soomaaliya oo taageero Ka helaya kuwa Midawga Afrika ee AMISOM, Isla markaana ay dhinaca Cirka Iyo dhulkaba ka taageerayaan   Maraykanku, ayaa saaka hawlgal milatari ka bilaabay  deegaanada ay ku xooganyihiin Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta Soomaalya.

 

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo dadka deegaanka, kolonyo milatariga Soomaaliya ah oo ay la socdaan ciidamo Maraykan oo ah ka baxay saldhiga garoonka Balidoogle ayaa gaadhay tuulada Bidhiidhe oo ka mid ah deegaamada ay  gacanta ku  hayeen Al-Shabaab.

 

Sidoo kale kolonyo milatariga Soomaaliya ah oo ay la socdaan ciidamada hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaano AMISOM, ayaa gaadhay  isla tuulada Bidhiidhe,  iyagoo ka baxay deegaanka lambar 50 ee isla gobolka Shabeellaha Hoose.

 

 

Dadka deegaanka, ayaa sheegay  meelaha qaar la maqlay qaraxyo, balse  ma jiraan wax war ah oo laga hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay deemadaa oo ka mid ahaa meelaha Al-shabaab ku xooggan tahay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post