Araweelo News Network
Muqdisho(ANN)-Ciidamada Dawladda Soomaaliya oo taageero Ka helaya kuwa Midawga Afrika ee AMISOM, Isla markaana ay dhinaca Cirka Iyo dhulkaba ka taageerayaan Maraykanku, ayaa saaka hawlgal milatari ka bilaabay deegaanada ay ku xooganyihiin Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta Soomaalya.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo dadka deegaanka, kolonyo milatariga Soomaaliya ah oo ay la socdaan ciidamo Maraykan oo ah ka baxay saldhiga garoonka Balidoogle ayaa gaadhay tuulada Bidhiidhe oo ka mid ah deegaamada ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.
Sidoo kale kolonyo milatariga Soomaaliya ah oo ay la socdaan ciidamada hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaano AMISOM, ayaa gaadhay isla tuulada Bidhiidhe, iyagoo ka baxay deegaanka lambar 50 ee isla gobolka Shabeellaha Hoose.
Dadka deegaanka, ayaa sheegay meelaha qaar la maqlay qaraxyo, balse ma jiraan wax war ah oo laga hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay deemadaa oo ka mid ahaa meelaha Al-shabaab ku xooggan tahay.