X
    Categories: Warar

Duruufaha Msuq-maasuq Ee Hadheeyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland Iyo Dawlada Norwey Oo Ka Baaqsatay Wefdiga Ka Socday Dalalka Bixiya Mashriicda SDF

Hargeysa(ANN)Koox wefdi ah oo ka socotay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee Somaliland Development fund ee loo soo gaabiyo (SDF) ayaa booqasho ku yimi Somaliland todobaadkan, kuwaas oo doonaya inay wax ka oggaadaan qaabka loo maamulay mashaariic malaayiin dollar ah oo la doonayay in wax lagaga qabto kaabayaasha dhaqaallaha Somaliland.
Haweenay lagu magcaaabo Pauline Seenan oo ah Madaxa Kooxda Dhaqaalaha iyo Horumarinta Aadamaha ee Hay’adda DFID, oo ah Hay’adda Caawimooyinka Horumarinta Caalamiga ah ee Boqortooyada Ingiriiska (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Denmark (DANIDA) iyo Boqortooyada Netherlands, ayaa xubno ka ahaa wefdigaa, balse Safaaradda Norway oo dalkeedu ka mid yahay dalalka ku bahoobay sanduuqa Horumarinta Somaliland ee Somaliland Developmen Fund (SDF), ayaa ka cudur-daartay inay ka mid noqdaan sababo aan la shaacin.

Dhaqaallaha sanduuqa horumarinta Somaliland ee ay hormoodka u yihiin Dalalka Britain iyo Denmark, isla markaana loo qorsheeyay in ahmiyada lagu siinayo meelaha ay Dawlada Somaliland doonayso in laga horumariyo shanta sanadood ee soo socda qadar lacag gaadhay $ 60 Million, lacagtaa oo $ 12 Million oo loo qoondeeyay sanadkii wax yar oo qadaadiic ah ay ka noqonayaan isu geynta lacagta Somaliland lagu caawiyo sanadka oo dhan , taas oo noqonay (250 Million per year), isla markaana noqonay mid calaamad wanaagsan iyo mustaqbalka qaranka u muujinay horumar haddii sida macquul ah loo maamulo.

In kasta oo ay tani tahay markii u horaysay ee Taariikhda Somaliland 23 sanadood oo ay ku naaloonaysay deganaansho iyo xasilooni, isla markaana maamul iyo nidaam dawli ah uu ka jiray ay xukuumadda Somaliland miisaaniyadeeda ku darto lacagta caawimada ah, taas oo ahayd shurruudaha looga baahnaa xukuumadda si meesha looga saaro musuq-maasuqa mashaariicda iyo lacagaha deeqaha caawimooyinka ee ay hore u maamuli jireen Hay’addaha aan dawliga ahayn ee NGO’s (International Nongovernmental Organizations).

Mashruuca Somaliland Development Fund (SDF), wuxuu shacbiga Somaliland ku abuuray bilawgii rajo iyo yididiilo, isagoo u muuqday haddii ay xukuumadda Somaliland sida ugu haboon iyo meelaha ku haboon ee la doonayo in laga horumariyo kaabayashaa dhaqaalaha dalka ku jihayso, isla markaana loo eego qaab deegaamada dalka si siman ay uga faa’idaystaan, taas ayaa loo arkayay mid horseed u noqon karta inay dalal kale kusoo biiraan sanduuqa horumarinta Somaliland ee ay yagleelidiisa lahaayeen Britain iyo Denmark.

Balse Xukuumadda Somaliland lacagta malaayiinka dolar ah ee ay ka heshay Sanduuqa Somaliland Developmen Fund (SDF), isla markaana la doonayay in wax lagaga qabto Kaabayaasha Dhaqaallaha sida Wadooyinka, Xoolaha, Deegaanka, Biyaha iyo qaybo kale oo muhiim ah, waxa soo waajahay Laangadhayn, iyadoo mad madaw baddani ka muuqdo qaabka loo maamulay iyo sida loo shaxeeyay, taas oo aanay masuuliyiinta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee uu ka mid yahay Wasiirka Qorshayntu oo maamula Mashriicaa marnaba tafaasiil ku filan ka bixin arrimaha ku xeeran habka loo maamulo dhaqaalahaa oo ah Malayiin Dollar oo Somaliland ka hesho sanduuqa ay bixiyaan Dalalka ay hormoodka u yihiin Denmark, Britain iyo Norwey, iyadoo ka maqnaansahah waqtigan ee kooxda wefdiga ah ay ka maqnaatay Norwey muujinayo inuu jiro saluug.

Si kastaba ha ahaatee Shebekada Araweelo News Network, ayaa marar baddan hoosta ka xariiqay Baadhitaano la xidhiidha qaabka loo maamulay Saduuqa Horumarinta Deqaaha ee Somaliland Development Fund ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan (SDF), oo ay hormood u yihiin Dalalka Uk iyo Denmark, waxaana lagu oggaaday baadhitanaada inay jiraan waxyaabo baddan oo qaabka loo maamulo mashruucaa ka dhigaya mid mad-madaw iyo shaki ku abuuray bulshada.

Inkasta oo Madaxweyne Siilaanyo wax ka beddel ku sameeyay masuuliyiinta Wasaaraddaha iyo Hay’addaha lala xidhiidhiyay musuq-maasuqa ee qaybta ka ah dhaqaallaha Sanduuqa horumarinta Somaliland warbixinaha shebekada Araweelonews qortay kadib, isla markaana dhawr goor xukuumadda lagaga hadlay fulinta mashaariicdaa, balse weli waxba taasi kama beddelin mad-madawgii hadheeyay, iyadoo gebi ahaanba fashilmeen laba qaybood oo ahaa kuwa ugu waaweyn mashaariicdaa, kuwaas oo kala ah kuwii ay fulinayeen wasaaradda Deegaanka iyo Xanaanada Xoolaha oo aan waxba ka hirgelin. Kadib maamul xumo iyo musuq-maasuq ragaadiyay.

Warbaahinta Somaliland ayaan wax baddan kala socon Sanduuqa Somaliland Development Fund, dhaqaallaha loo qoondeeyay iyo lacagta ku baxay mashaariicdaa, iyadoo kooxda maamusha mashaariicdan ee wasiirka Qorshayntu madaxda u yahay si gaar ah ula macaamilaan dhawr ka mid ah wargeysyada kasoo baxa Hargeysa, taas oo ujeedadeeda ka danbaysaa tahay in aan wax xog ah laga helin dhaqaalaha malaayiinka dollar ah ee la doonayay in lagu fuliyo mashaariicdaa. Sidaa awgeed booqashada waqtigan ee kooxda ka socotay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee Somaliland Development fund ee loo soo gaabiyo (SDF), ayaa la filayaa inay warbixin soo saaraan dhowaan.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post