#Araweelo_News_Network

 

Ceel-afweyn (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdiga uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay deegaamada gobolka Sanaag ee Gar-adag, Ceel-afweyn, Fadhi-gaab iyo deegaamada kale ee Galbeedka kaga teedsan gobolka ugu baaxadda weyn dalka, kuwaas oo qayb ka ah deegaamada kulaalaya colaadda gobolka Sool.

Soo dhowaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi iyo Wefdigiisa Deegaamada Gar-adag, Fadhi-gaab iyo Ceel-afweyn ee galbeedka Gobolka Sanaag, 20 August 2024, Image Araweelo News Network.

Dadweynaha deegamadaa, ayaa Madaxeynaha wefdigiisa ugu soo baxay si ay usoo dhoweeyaan, iyagoo safaf dhaadheer u galay si ay u qaabilaan Madaxweynaha iyo wefdigiisa, wallow ay ka muuqdaan duruufaha iyo raadadka colaaddu ku yeelatay oo ay la wadaagaan deegaamada kale ee Madaxweynaha iyo wefdigiisu maalmihii u danbeeyay marayeen.

Soo dhowaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi iyo Wefdigiisa Deegaamada Gar-adag, Fadhi-gaab iyo Ceel-afweyn ee galbeedka Gobolka Sanaag, 20 August 2024, Image Araweelo News Network.

Dadka soo dhowaynta Madaxweynaha usoo baxay, ayaa lulayay Calanka jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo ku qaabilay farxad iyo Cayaar dhaqameedyada ay caanka ku yihiin dadka deegaanku, isla markaana tabashgooyinka ka jira deegaamada ay ku nool yihiin Madaxweynaha iyo wefdigiisu si waaqici ah u dareemeen.

Hase yeeshee, Madaxweynaha ayaa kulamo la yeelanya Odayaasha iyo waxgaradka deegaamada uu marayo, kuwaas oo kulamada ay la yeesheen ugu gudbiyay Madaxweynaha iyo wefdigiisa duruufaha ka jira deegaamada iyo saamaynta colaadda gobolka Sool ku yeelatay nollosha Bulshada, ganacsiga iyo isu socodka, balse waxay dhammaan dadka deegaanadaa ku sugan xaqiijiyeen in wallow ay jiraan duruufahaas qalafsan aannay taasi ahayn mid ay kaga gabanayaan difaaca qarankooda oo ay mar walba heegan ugu jiraan

Soo dhowaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi iyo Wefdigiisa Deegaamada Gar-adag, Fadhi-gaab iyo Ceel-afweyn ee galbeedka Gobolka Sanaag, 20 August 2024, Image Araweelo News Network.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa, ayaa caawa u hoyday Magaaada Ceel-afweyn, isagoo kulamo la yeelanaya Odayaasha iyo wax-garadka deegaanka, kuwaas oo tabashooyinkooda iyo duruufaha deegaamada colaaddu saamaysay ee dhinacyada baahiyaadka aasaasiga ah doonaya inay gaadhsiiyaan Madaxweynaha si xukuumaddu wixii ay awooddo ee qorshayaashal ay kaga jawaabay uga maqlaan madaxweynaha hortiisa.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com