Washington (ANN)-Dawladda Maraykanka ayaa qirtay in lasoo riday Diyaarad dagaal oo ahayd nooca diyaaraddaha wax duqeeya ee loo yaqaan F/A-18 supper, taas oo ka duulaysay hawadda Markabka dagaalka ee USS Harry S Truman, oo ku sugan Badda Cas oo xilligaa dhankiisa duqaymo samaynayay.
Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Taliska dhexe ee Ciidamada Badda Maraykanka Diyaaradda ayaa lagu soo riday Badda cas, taasoo sida lagu sheegay bayaanka Taliska dhexe u muuqata inuu sababay gantaal dhankooda ka yimi oo sababay in dab ka kaco, sida uu sheegay millateriga Maraykanka.
Hase yeeshee bayaanka waxa lagu xusay in Labii duuliye ee saarnaa oo ahaa shaqaale ee ka tirsan Ciidanka Badda Maraykanka ee F/A-18 Hornet ay si nabad ah uga baxeen, iyadoo mid ka mid ah uu soo gaadhay dhaawac fudud, sida uu sheegay Taliska Dhexe Axaddii, balse waxay noqonaysaa dhacdadii labaad ee sidan oo kale inta ay socden weerarrada dagaalka Xuutiyiinta labadii todobaad ee lasoo dhaafay.
Dhacdooyinkan ayaa muujinaya jawiga qalafsan ee ay ku howlgalaan ciidamada NATO ee Maraykanku hoggaamiyo ee ku hawlan dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta.
In kasta oo ay jiraan su’aalo badan oo aan weli laga jawaabin, haddana si lama filaan ah diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Badda Maraykanka oo markab dagaal oo Maraykan ah uu ku soo riday Badda Cas dhamaadkii todobaadkii hore ayaa hoosta ka xariiqay halista iyo baaxada dagaalka ba’an ee ka jira halkaa, kaas oo u dhexeeya quwaddaha shisheeye ee Maraykanka iyo Britain hoggaamiyaan iyo dhanka Xuutiyiinta Yemen.
Dhacdadan ayaa timid kaddib markii Maraykanku uu weeraro cirka ah ku qaaday goob lagu kaydiyo gantaallada iyo xarumaha laga hago ee caasimadda Yemen ee Sanca oo ay maamulaan maleeshiyada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran.
Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa intaa ku daray in ay sidoo kale duqeeyeen diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee Xuuthiyiinta iyo gantaallaha lidka maraakiibta oo marayay Badda cas.
“Markii la hagayay ee gantaallaha ee USS Gettysburg, oo ka tirsan kooxda USS Harry S Truman Carrier Strike Group, ayaa si qalad ah u riday oo ku dhuftay diyaaradda F/A-18, taasoo ka duulaysay hawadda Markabka USS Harry S Truman,” ayaa lagu yidhi bayaanka.
In kasta oo Taliska Maraykanka ee Baddu sidaa ku macneeyay diyaaradda ku dhacday Badda ee burburtay, balse ma cadda in diyaaradda la soo riday ay ku lug lahayd howlgalka Yemen oo dhinaca Xuutiyiinta laga soo riday gantaalka qabsaday ee sababay buruburka.
Washington ayaa xustay in Taliska Dhexe ay sheegay in duqaymaha ka dhanka ah bartilmaameedyada Sanca looga golleeyahay “in lagu carqaladeeyo oo lagu wiiqo hawlgallada Xuutiyiinta, sida weerarrada ka dhanka ah maraakiibta dagaalka ee ciidamada Badda Maraykanka iyo maraakiibta ganacsi ee ku sugan Koonfurta Badda Cas, Bab al-Mandeb, iyo Gacanka Cadmeed”.
Milateriga Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in ay duqeeyeen “Weerar dhowr ah oo Xuuthiyiinta hal dhinac ah ay ku qaadeen diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn, ama diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn, iyo gantaallaha lidka maraakiibta oo marayay Badda Cas” iyaga oo adeegsanaya “Ciidanka Cirka ee Maraykanka iyo Hantida Ciidanka Badda Maraykanka, oo ay ku jiraan F/A-18s” .
Xuutiyiinta, oo ah jabhad ay Iran taageerto oo maamula waqooyi-galbeed ee Yemen, ayaa billaabay inay weeraraan maraakiibta Israa’iil iyo kuwa caalamiga ah wax yar kaddib markii uu billowday dagaalka Qaza Oktoobar 2023, iyagoo sheegay inay si wadajir ah Falastiiniyiinta ugu hiilinayaan oo ay difaacayaan, waxayna sababeen weerarrada ay ku qaadaan khasaare soo gaadhay qaar ka mid ah Maraakiibta Ciidamadda Maraykanka iyo kuwa ganacsiga, waxayna si gaar ah u beegsadaan maraakiibta ku xidhan Israel, US ama UK, iyadoo weerarradu sabeen in gebi ahaan Maraakiibta ganacsigu ka leexdeen marinka Badda Cas, Bab al-Mandeb, iyo Gacanka Cadmeed, iyadoo ay khasab noqotay in ay Maraakiibtu ka leexdaan marrinkaa iyagoo u weevday dhanka wareega safarka dheer Cape Town ee Koonfur Afrika (The Cape of Good Hope) .
Tan iyo xilligaa Nov 2023, weerarrada gantaallada ee Xuutiyiinta ayaa sababay in ay gubaan Maraakiib baddan, halka ay kuwa kalena quuseen Badda, kuwa kalena waxyeello u geysteen.
Bishii Disembar ee la soo dhaafay, US, UK iyo 12 waddan oo kale ayaa bilaabay Hawlgalka Ilaalinta si ay uga ilaaliyaan marrinnada maraakiibta Badda Cas ee weerarada
Dhinaca kale, Sabtidii, millateriga Israel ayaa sheegay in isku daygii ay ku doonayeen inay ku soo ridaan gantaal laga soo riday Yemen uu ahaa mid lagu guul daraystay, waxaana gantaalku uu ku dhacay goobo ku yaala Tel Aviv.
Sida ay soo tebisay Warbaahinta Israel oo soo xigganay Magen David Adom, oo ah sarkaal ka tirsan adeega caafimaadka degdega ah ee Israel, ayaa sheegay in ay daweeyeen 16 qof oo “ay dhaawacyo fudud kasoo gaadheen” muraayadaha muraayaddaha burburay ee dhismayaasha ka dhowaa goobta. Sidoo kale, 14 qof oo kale ayaa waxaa soo gaadhay dhaawacyo fudud, kuwaas oo ku sii jeeday meelaha la ilaaliyo, sida ay sheegtay warbaahinta Israel.
Arrinta ayaa timi, iyadoo Afhayeen u hadlay Xuuthiyiinta uu sheegay in kooxdu ay ku garaacday bartilmaameed millateri oo ay adeegsatay gantaal ballistic ah.
Dhankeeda Horraantii toddobaadkan, Israa’iil waxay qaadday duqaymo xidhiidh ah oo ka dhan ah waxa ay ku sheegtay bartilmaameedyada millateri ee Xuutiyiinta, oo ay ku garaacday dekeddaha iyo sidoo kale kaabayaasha tamarta ee caasimadda Yemen ee Sanca.
Saraal u hadlay Xuutiyiinta ayaa u sheegay TV-ga Al Masirah ee ay maamulaan xuutiyiinta in sagaal qof lagu dilay dekedda Saliif iyo goobta shidaalka ee Raas Ciise oo ka dhashay weerarrada israel ee duqaymaha.
Hase yeeshee, Xuutiyiinta ayaa dhankooda wacad ku maray inay sii wadi doonaan weeraradooda ilaa uu ka dhamaanayo dagaalka Qaza. Maraykanka ayaa sheegay in duqayntii ugu dambeysay ay qeyb ka tahay balan qaadka lagu difaacayo naftiisa iyo xulafadiisa
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com