X
    Categories: Warar

Dunida Askar Ayaa Hoggaamisa Oo Wax Ka Bedeshay Ee Karaanigu Madaxweyne Ma Noqdo, Waraaqo Ayuun Baa Loo Dhiibaa”Muj. Maxamed Kaahin

                           Mujaahid Maxamed Kaahin Araweelo news Network

Hargeysa(ANN)Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay hoggaamiyayaasha dunida soo maray ee askarta ah iyo dadka aan askarta ahayn oo uu sheegay in aanay noqon Madaxweyne.

Muj. Maxamed Kaahin, wuxuu sidaa ka sheegay munaasibad balaadhan oo taageero loogu sameeyay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi, isla markaana lagu taageerayay musharaxnimadiisa oo xubno ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga, xukuumadda iyo madax-dhaameed kasoo jeeda deegaanka Salaxley ugu sameeyeen shalay Huteelka Ambassador.

Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga KULMIYE, Maxamed Kaahin, wuxuu sheegay in saamaynta iyo isbeddellada ay dunida ka sameeyeen xukunka madaxda askarinimada soo martay, isagoo sheegay in habka ay u qaabaysan tahay siyaasadda dunida iyo falsafadeeda ay seeska u dhigeen jenaraallo soo xukumay dunida.

“Askari ha dooranina iyo jabhaddii iska ilaaliya haddaad aragtaan qolo sidaa tidhaa waa qoladii dalka xorayntiisii ka xumayd ee iyagu ogolaa in qoladii hore meesha iska joogto. Taariikhina way ka maqan tahay oo dunidan aynu maanta joogno cilmiga siyaasiga ah ee jira iyo taariikhda siyaasiga ah ee jirta Caddaani-gaasi (Wasiiru-dawlaha Maaliyadda) wuxuu ka yimi Maraykan oo dadka dunidan qaabeeyey ee falsafadda siyaasiga ah dhigay waa qoladayadii jannanada ahayd oo wada madaxweyne noqotay. Waxaan idiin sheegayaa qolada karraaniinta ah in warqado loo dhiibo la yidhaa noo qora mooyee iyagu madaxweyneyaalba ma noqdaan. Dalalka sideenna oo kale soo maray sida Itoobiya iyo Erateriya oo kale, karraani meel ka yimi xilka umay dhiibane waxay qaateen siyaasadda cid halkii ka sii wada halganka, innaguna halgankii baynu ku jirnaa ilaa la aqoonsanayo Somaliland ee waxaynu doonaynaa inaynu xidhiidhino habsami socodka dalkan, haddii kale dib baynu u noqonaynaa.” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post