Araweelo News Network

“Dugsiga Sheekh Bashiir, wuxuu Maryaa wadadii la Mariyay Women’s Clab oo Kumaan Haween ah wax ka baran Jireen”
Boodhkadusgsigasheekhbashiir

Hargaysa(ANN)Xukuumada Somaliland waxay Mudooyinkii u danbeeyey dedaalo ugu jirtay sidii ay u xaraashi lahayd dhulka danta guud waxaana hada lasoo gaadhay xiligii la iibin lahaa dugsigii Hoose dhexe ee Sh Bashiir, kaasi oo ku yaala badhtamaha Magaalada Hargaysa.

Dugsigasheekhbashiir2
Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, ayaa hore u xaraashtay, ama ugu wareejisay dad gaar ah oo ganacsato ah hantida maguurtada ah iyo dhismayaal Dugsiyo iyo dan guud ahaa, kuwaas oo dhamaantood loo maray bixintooda iyo iibkooda hab qarsoodi ah oo aan waafaqsanayn nidaamka iyo qaanuunka sharciga dalka, iyadoo goobtii ugu danbaysay inta la ogyahay magaalada Hargeysa ee si qarsoodi ah loola wareegay ahayd xarunta dhismihii Dugsiga haweenka Women’s Clab ee Hargeysa oo la raaciyay dhisme Marwo Aamina Weris ku balaadhisay Huteel casri ah oo ay ka dhisay dhisme ay gaar u lahaayeen oo ku qabsan dhismaha xarunta dugsiga tababarka dadka waaweyn iyo haweenka oo kumaan haween ah ay wax ku baran jireen.
Hase yeeshee Dugsiga caanka ah ee loogu magacdaray halgamaagii Sh Bashiir oo ku yaal badhtamaha magaalada Hargaysa, isla markaana ay wax ku bartaan kumaan Arday, ayaa noqday mid Saylada suuqa madaw yaala oo xukuumaddu waddo qorshihii ay Nin ganacsade ah ugu wareejin lahayd, iyadoo wararka hordhaca ah ee laga helay qaar sheegayaan in qayb ka kid ah dugsigaa la fasaxay maalmihii u danbeeyay.
wajahadadugsigasheekhBashiir

Cabdisalaan Nuur Ibraahin Sh Bashiir oo ah muwaadin kasoo jeeda qoyska reer Sheekh bashiir, ayaa ku tilmaamay cawaaqib xumo xukuumadu ku kacday inay noqonay marka ay iibiso dugsigaa, wuxuu sheegay in dugsiga sh Bashiir Arday Yar yar wax ku dhigtaan, isla markaana ay tahay wax lala yaabo in xukuumaddu iibiso, isagoo shacabka Somaliland ugu baaqay in ay si degdeg ah ay arintani uga jawaab celiyaan.
qaybsheekhbashiir ah
Cabdisalaan Nuur Ibraahin Sh Bashiir oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yidhi sidan: – “Arrintani waxaanu wax ka waydiinay wasiiru Dawlaha waxbarashadda Axmed Nuur faahiye, Balse wuxuu noo sheegay inaanay run ahayn laakiin waxaa noo yimi xubno wasiiro ah, kuwaasi oo meesha eegaya aniga oo ka mid ah duriyadii Sh Bashiir Waxaan ugu Baaqayaa Shacabka Somaliland Inay xaarraan Tahay in la iibsado dhulka uu ku yaalo Dugsiga Sh Bashiir oo ay dawladii Riyaale ka xishootay waxaana ay xukuumadani bilowday inay maanta iibiso dugsigii Sh Bashiir ee ay Ardaydu wax ku baranayeen xaggee caruurtu wax ku baran haddii dugsigaba la iibiyo hadda waxay leeyihiin iskuulka oo dhan maahee waa qayb ka mid ah laakiin isaga oo dhamina wuu ku xigaa in la iibiyo” ayuu yidhi. Cabdisalaan Nuur Ibraahin Sh. Bashiir oo Wargeyska Xog-ogaal oo kasoo baxa hargeysa u waranay maanta.
womensclaphargeisa2
Dhinaca kale xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa hore u iibisay dhul baddan oo danta guud ahaa iyo dhismayaal muhiim ahaa, qaarkoodna dad gaar ah la siiyay, kuwaas oo ay ugu danbaysay Womens Clup Hargeysa oo ahaa dugsi farsamada gacanta iyo waxbarashadda dadka waaweyn ah, balse Marwada Madaxweynaha Aamina Weris oo dhismaha ku xigga ee Huteelkii Cali Jirde ka samaysay dhismayaal waaweyn ay ka saartay dadkii ku jiray halkaa, iyadoo la rumaysan yahay inay ku darsatay dhismaha huteel casri ah oo ay ka dhisay halkaa, “Dugsiga Sh. Bashiir, wuxuu maryaa wadadii la mariyay Women’s Clabkii Hargeysa ee dumarku wax ku baran jireen” sidaa waxa ku dhawaaqay muwaadin warka sheegaya in la wareejiyay dugsiga ka dareen celinaya.

womens clap hargeisa
Go,aan maxkamadda gobolka Maroodi-jeex xiligaa soo saartay, ayaa lagu hakiyay dhismaha Dugsiga Hargeysa Women’s Clab oo lagu dhejiyay Bookh ay ku qoran tahay shirkadda “SOO Gasho oo ah qayb ka mid ah SOMCable ee uu laayahay ganacsade Madaxwed Aw Siciid, waxaana lagu qoray “Soo Gasho Barking”, balse maalmo kadib waxa lag furay halkaa Boodhka, iyadoo aan la ogayn halka uu ku danbeeyay go’aankii Maxkmadda Marooodijeex oo loo arkayay mid dareenka dadka lagu suuxinayay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409