X
    Categories: Warar

Dugsiga Nuuradiin Oo Ka Mid Ah Kuwa Ugu Caansan Oo Nasiib U Yeeshay Inuu Helo 11 ka Mid ah 20ka Arday ee ugu Sarreeyey Imtixaanka

Araweelo News Network

Maamu;laha Dugsiyada Nuuradiin. Mr. Mahad Ibraahim Maxamed

Hargeysa (ANN)- Dugsiyada sare iyo dhexe ee Nuuradiin oo ka mid ah iskuullada gaarka loo leeyahay, kuwa ugu caansan  ee ka dhisan Somaliland, ayaa markii ugu horreysay taariikhda koobsaday tirada ugu badan ee ardayda kaalmaha ugu sarreeya ka galay natiijada imtixaannaadkii shahaadiga dugsiyada sare iyo dhexe ee dalka oo si rasmi ah loogu dhawaaqay.

 

Dugsiyada Sare ee Nuuradiin ayaa 20ka arday ee ugu sarreeyey imtixaanka shahaadiga dugsiyada sare ee dalka oo dhan – 7 gabdhood iyo 4 wiil, halka uu dugsiyada dhexena ka helay 2 arday.
Maamulaha dugsiyada Nuuradiin Mahad Ibraahin Maxamed, ayaa si heersare ah u hambalyeeyay ardayda dugsigiisa ee kaalmaha hore ee dalka guusha ka gaadhay, waxa uu sida oo kale uu hambalyo u diray guud ahaan ardayda imtaxaanaadka Shahaadiga ah ee dalka ku guulaystay.
Khaalid Maxamed Odawaa Tukaale ayaa noqday ardayga dugsiga sare ee Nuuradiin ka midka ahaa ee kaalinta koowaad u galay dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Somaliland, kaas oo keenay 924 dhibcood, isagoo 76 dhibcood oo kaliyaata ka dhimay inuu natiijada imtixaanka ee guud dhammaystiro 100%, waxaana dhibcaha kooban ee uu ardaygaas dhimay isagoo aan wax qish ah samayn ku faanay Wasiirka Waxbarashada Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahin Habanne oo warbaahinta u sheegay in ardaygaasi uu dedaal sameeyay.
Markii lagu dhawaaqay natiijada tobanka hablood ee kaalmaha hore qaatay dugsiyada sare ee Somaliland, waxa kaalinta 1aad gashay Asma Yuusuf Aadam oo dugsiyada Nuuradiin ah, Amaal Maxamed Xasan Jaamac oo kaalinta labaad gashay, Samda Mustafe Xaaji Askar oo kaalinta saddexaad gashay, Muuna Cabdirashiid Ciise Xasan oo kaalinta afraad gashay, Hibaaq Jaamac Cumar Axmed oo kaalinta toddobaad gashay, Raxma Abokor Cabdiraxmaan oo kaalinta sideedaad gashay, Istaahil Aadan Xuseen Axmed oo kaalinta tobnaad gashay, iyadoo ay dhammaanba toddobada hablood ee ka mid noqday tobanka arday ee dhinaca dugsiyada gaarka ah ugu sareeyey dalka oo dhan ay noqdeen arday ka tirsan dugsiga sare ee hablaha ee Nuuradiin.
Inanta kaalinta koowaad u gashay hablaha dugsiyada gaarka ah oo la yidhaah Asma Yuusuf Aadan oo dareenkeeda cabbiraysa, kadib markii natiijada imtixaanka lagu dhawaaway, waxa ay tidhi; “Mahad oo dhan waxa iska leh Ilaahay (SWT) noo suurtogaliyay inaan guul iyo farxad ku soo dhammayno geedigii waxbarasho oo soo taxnaa 12 sannadood, waxaan u mahadnaqayaa waalidkay, hooyaday macaan oo garabkayga fadhida, aabbahay iyo walaalahay, sida oo kale waxa aan aad ugu mahadnaqayaa macallimiintaydii iyo maamulkaygii mar kasta hiil iyo hooba ila garab taagnaa, runtii waan ka xishoonayaa inaan mahadsanidin kaliyaata ku idhaahdo uma qalmaan ee Alle ha ka yeelo abaalkooda jannada Fardawsa, waxaan u hambalyaynayaa dhammaan ardayda dalka ee heshay natiijada imtixaanaadka qaranka waxaan leeyahay hore u socda dhammaantiin mustaqbal wanaagsan ayaan idiin rajaynayaa, si gaar ah waxaan u hambalyaynayaa ardayda ka baxday dugsiyada Nuuradiin.”
Sida oo kale, kaalinta labaad ee imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiga sare qaybta wiilasha waxa galay isla arday ka socda dugsiyada Nuuradiin oo la yidhaah Yaxye Cabdi Gaaxnuug, kaalinta shannaadna waxa galay Xamse Cabdillaahi Muxumed oo isla dugsiyada Nuuradiin ah, halka kaalinta sagaalaadana uu soo cidhiidhsaday Guuleed Muxumed Jaamac, waxayna taasi muujinaysaa in dugsiga sare ee Nuuradiin uu afar arday ku yeeshay tobanka arday ee dalka oo dhan ugu sareeyey dugsiyada sare ee gaarka ah.
Geesta kale, dugsiga hoose/dhexe ee Nuuradiin, waxa uu hal arday ku yeeshay tobanka arday ee dhinaca wiilasha ugu sareeya imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe, kaasoo ah Xamse Cabdillaahi Muxumed Maal oo galay kaalinta 5aad, halka dhinaca hablahana uu hal qof ku yeeshay tobanka arday ee dhinaca gabdhaha ugu sareeya dalka, taasoo ah Xannaan Amiin Ismaaciil Axmed oo gashay kaalinta 3aad.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post