X
    Categories: Warar

Dugsi Laga Mabnuucay Telefiishan, Moobil, Warbaahinta iyo in Ardaydu la Kulmaan Arday Kale

Araweelo News Network

Dugsi boodhin ah oo ku yaal dalka Ingiriiska, ayaa ardaydiisa ugu hanjabay inuu eryaayo haddii ay la kulmaan amma ku dhex milmaan ardayda iskuullada kale dhiga sida lagu daabacay mareegta Sky News oo Jamhuuriya soo xigtay.

Dugsigan oo ku yaal tuulo waqooyiga magaalada Dewsbury ah, ayaa ardaydiisa, gaar ahaan wiilasha 13 ilaa 19 jirka ah ka mabnuucay in ay la ciyaraan, lana kulmaan ardayda kale, internet isticmalaan, isla markaana daawadaan telefiishanka, raadyaha dhegaystaan amma wargeysyada akhriyaan sida lagu daabacay warbixintan.

Dugsigan oo ku ag yaal Masaajidka  Markazi, kaasoo ah ka ugu weyn dalka Ingiriiska ee Muslimiinta u gaar ah, ayaa ardayda si fiican loogu bara shareecada, iyadoo dokumanti ay heshay Sky News in ardayda lagala dagaalamo in ay dhaqannada kale ku milmaan.

Waxaana sharciyada dugsigan ku jira in ardayda laga mabnuuco kamarada, telefiishannada, muusiga iyo telefoonnada inta ay goobta waxbarashada ku jiraan.

Shabbir Daji oo ah guddoomiyaha Golaha maamulka Dugsigan, ayaa sheegay in ardaydan midayntooda ay ka shaqeeyaan, kana fogeeyaan warbaahinta ku keeni karta in dhaqankoodu doorsamo.
Dawladda Ingiriiska ayaa warbixin baadhitaan ah oo ay soo saartay ku ogaaday in Muslimku la wareegeen maamulka dugsiyada magaalada Birmingham, sidaa darteedna sheegtay in ay sharci ka soo saarayso si loo xakemeeyo islaam, taasoo u muuqata in dagaal adag lagula jiro Muslimiinta iyo aqoontooda.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post