X
    Categories: Warar

Dublamaasi Aadan Muuse Jibriil Muxuu Ka Yidhi Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Iyo Siyaasada Ethiopia?

Aadan Muuse Jibriil

Hargeysa(ANN)Aadan Muuse Jibriil oo ah Dublamaasi aqoon dheer u leh arrimaha mandaqada, isla markaana ah qoraa, ayaa ka hadlay arrinta wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee muddooyinkan dambe kasoo cusboonaaday mandaqada, kuwaas oo u muuqda in Raโ€™iisal wasaaraha dalka Ethiopia, Abiy Axmed uu beddelay qorshe uu sannadkan isku dayay inuu ku waajaho wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Qorshahaa oo ay qayb ka ahayd inuu Dr. Abiy Hargeysa keeno Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse aannu ku guulaysan, ka dib markii Shacabka, Golayaasha Baarlamaanka iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland si weyn uga horyimaaddeen horraantii sannadkan.

Hase-yeeshee, Wararka soo baxaya, ayaa waxay sheegayaan in Raโ€™iisal wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed uu wada hadalada u wareejiyay Raโ€™iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ka dib markii uu Abiy qaatay fikir ah in dadka reer Somaliland xasaasiyad ka qabaan Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qorshaha cusub ee Abiy iyo Khayre u dejiyaan Somaliland, mana jiro war rasmi ah oo ay Hargeysa, Muqdisho iyo Addis Ababa ka soo saareen dhaq-dhaqaaqyadan. Sidoo kale, waxa jira warar sheegaya in Raโ€™iisal wasaare Abiy uu dalalka Carabta qaarkood u bandhigay aragtidiisan cusub. Aadan Muuse Jibriil oo hore u noqday Safiirka Somaliland u Fadhiyey Dalalka Britain iyo Itoobiya, xilliyadii Xukuumaddii Siilaanyo, isla markaana noqday Wakiilka Somaliland u qaabbilsan Xafiiska Midawga Afrika, xilkaas oo uu iska casilay 2018-kii, ayaa ka warramaya waxa uu kala socdo dhaqdhaqaaqyadaa siyaasadeed iyo xaqiiqooyinka ku waajahan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post