X
    Categories: Warar

Dubai: Maxaa kasoo Baxay Kulan Dhexmaray Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Ganacsato

Kulanka Madaxweyne ku xigeenka Somalialnd, Safiirka Somaliland ee Imaaraadka iyo ganacsatada Dubia 27 Sep 2019.

Dubai(ANN)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu wehelinaayo wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta, Amb. Muniir Cabdu;laahi Abu-site, ayaa kulan gaar ah kula yeeshay ganacsato dalka Imaaraadka Carabta.

Kulanka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Safiirka Somaliland ee Imaaraadka iyo ganacsatada Dubia 27 Sep 2019.

Madaxweyne ku xigeenku iyo Safiirka, ayaa kulanka ay la yeesheen oo sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dhanka Madaxtooyadda Somaliland lagu sheegay inuu ka qabsoomay Hotelka uu ka degan yahay Madaxweyne ku xigeenku ee magaalada Dubai, jimcihii 27-09-2019.

Warka qoraalka ee Madaxtooyadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in ganacsatadaa oo aan magacyadooda iyo shirkaddaha ay ka socdaan lagu xusin qoraalka ay Madaxweynaha iyo wefdigiisa kusoo booqdeen Huteelka uu degaan, kuwaas sida lagu tilmaamay qoraalka inay danaynayaan sidii ay Somaliland uga samayn lahaayeen maalgashi, isla markaana qayb uga noqon lahayaeen horumarka balaadhan ee ka socda Dalka Somaliland gaar ahaan dhinaca maalgelinta iyo horumarinta dhaqaallaha dhan walba la xidhiidha.

Kulanka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Safiirka Somaliland ee Imaaraadka iyo ganacsatada Dubia 27 Sep 2019.

Qoraalka, ayaa lagu xusay in ganacsatadaasi usoo bandhigeen Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland sida ay u danaynayaan inay maalgelin ku sameeyaan dhinaca Beeraha, Dalxiiska, wershaddaha iyo inay ka sameeyaan gudaha dalka Hoteelo waa weyn oo casri ah, madaama ay Somaliland noqotay meel maanta caalamku isha ku hayo oo uu danaynayo una tartamayaan ganacsatada waa weyn iyo dawladdaha aduunku.

Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmana Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ganacsatada uga mahadnaqay sida ay u danaynayaan Dalka Somaliland inay maalgelin ku sameeyaan, wuxuuna wargeliyay ganacsatadaa inay marti-qaad ku yimaadaan Somaliland si ay usoo indho indheeyaan horumarka iyo dedaalada maalgelineed iyo fursadaha ka jira dalka Jmahuuriyadda Somaliland.

sidoo kale, wuxuu u sheegay Madaxweyne xigeenka Somaliland ganacsatadaa inay soo arkaan xeebaha dalka gaar ahaan Marsada Berbera oo uu sida uu sheegay iyadu wakhtigan hoggaanka u haysa horumarka ka socda dalka, isla markaana leh garoon diyaaradeed oo hadda uun farta laga qaaday, kaas oo ah ka Afrika ugu weyn wakhtigan, loona isticmaali karo nooc kasta oo diyaarado ah Afrika inteeda kalena looga faa’iidayn karo dhinaca ganacsiga iyo badeecaddaha isaga gudba dalalka.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dhinaca Wefdiga Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, waxa Gebegabadii kulankaasi ku dhamaaday isfahan iyo xidhiidh wanaagsan oo dhexmara ganacsatada caalamiga ah iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post