Hargeysa(ANN)- Dr Maxamed Cabdi Gabboose, oo dhakhtar caan ah oo muddo dheer ka maqnaa saaxada iyo fagaarayaasha Siyaasada, ayaa ka dayriyay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo mustaqbalka halka uu kuu danbaynayo haddii aan la helin siyaasad cad oo xal waara u noqota mustaqbalka dalka.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo hore usoo qabtay Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland xilligii xukuumaddi Madaxweyne Siilaanyo iyo ka hor xilligii Madaxweyne Cigaal, wuxuu sidoo kale laba jeer ku tartamay Ururada Siyaasada ee la doonayay inay u gudbaan Xisbiyo, iyadoo Ururkiisu ku hadhay tartankaa, wuxuuna tartankii u danbeeyay ee Ururada kaga tegey saaxada siyaasada hal-kudhegyo siyaasadeed oo uu ku cabiray natiijadii tartanka iyo mustaqbalka dumuqraadiyada Somaliland.
Dr. Gaboose oo ah Dhakhtar Caali ah oo Aftahan ku ah hadalka qudbadihiisana qaab cilmiyaysan oo xeel-dheeri ka muuqato u gudbiya marka uu ka hadlayo fagaarayaasha siyaasada, wuxuu muddooyinkii u danbeeyay ku mashuulsanaa dhakhtarka Caalamiga ah ee uu ka furay Hargeysa oo loo bixiyay Haldoor Hospital , isagoo isakaga nastay siyaasada, isla markaana xirfadiisa iyo aqoonta xeesha-dhgeer ee caafimaadka u leeyahay ugu adeegayay Bulshadiisa.
Hase yeeshe Dr. Gaboose, ayaa maanta kula hadlay warbaahinta Huteelka Ambassador ee Hargeysa, wuxuuna ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalku marayo, arrimaha nabada iyo midnimada ummada iyo sidii dalka looga badbaadin lahaa wuxuu ugu yeedhay cawaaqib-xumo uu sheegay inay muujinay mid ka xun tii lixdankii markii ay Somaliland shuruud la’aan kula midawday Koonfurtii Soomaaliya ee Talyaaniga ka qaaday xoriyadda.
“Muddo dheer ayaan ka maqnaa masraxa siyaasada, inkasta oo ay jireen arrimo badan oo mudnaa inaan ka hadlo, waxaan doorbiday inaan ka maauso, sidaana waxaan mooday dan, waxaana doorbiday inaan ummadayda ugu hagarbaxo xirfadayda wixii aan qaban karo, waxaase isoo hiyi-kiciyay xalayna aan la gami waayay heerka maanta dalku marayo oo ah mid xaasaasi ah oo aan indhaha laga qarsan karin.” sidaa waxa yidhi, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka sharaxaya sababta uu muddo dheer ka dib ugu soo laabtay saaxada Siyaasada.
Waxa uu sheegay inay dareenkiisa taababat Maxaadaro uu jeediyay Aadan Siiro oo ka mid ah Culimada Hargeysa, taas oo Dr. gaboose sheegay inay ahayd dhawaaq dheer oo waano iyo tusaale ah oo Sheekh Aadan kula hadlayay Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi, isla markaana mawduuceedu ahaa, “Dulmiga Cawaaqib xumadiisa iyo halka Diinta Islaamku ka taagantahay.”
Dr. Gaboose, wuxuu sidoo kale sharaxay hoggaaminta iyo siyaasadaha looga baahanyahay cidda Ilaahay siiyay mulkiga hoggaaminta, wuxuuna ka afeef dhigtay in aan loo arkin hadalkiisa mid si gaar ah iyo dano siyaasadeed uu ka leeyahay iyo inuu yahay qof ka xun inuu Madaxweyne noqdo Muuse Biixi, balse waxa uu sheegay in arrimaha uu ka hadlayaa yihiin kuwo waajib ah oo uu ka fadhi waayay inuu ka hadlo, isagoo lexejeclada dalka iyo dadkan ay damqayaan, wuxuuna si gaar ah carabka ugu adkeeyay tabashooyinka Sool, Sanaag-bari, Awdal iyo Salal iyo sida loo waajahay oo uu sheegay in aanay dalka dantiisu ku jirin, isl markaana ay sababay siyaasada noocaa ah mid abuuraysa in khariirada Somaliland kusoo ururto in yar.