X
    Categories: Warar

Dr. Cabdi Aw DaahirWasiirkii Hore Ee Arrimaha Qoyska Ee Xukuumadda Siilaanyo Oo Geeriyooday

Araweelo News Network
Burco(ANN)Dr.Cabdi Aw Daahir oo ahaa Wasiirkii hore arrimaha qoyska iyo Xannaanada Xoollaha xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa goor dhowayd ku geeriyooday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Dr. Cabdi Away Daahir wuxuu ka mid ahaa dhakhastiirta dhina siyaasada u baydhay, isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay Xukuumaddii Madaxeyne Cigaal iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaano ee waqtigan, balse uu xilkaa iska casilay dhamaadkii sanadkii hire. Kadib markii isaga iyo koox ka mid ahaa golaha wasiradda xukuumadda Siilaanyo iska casileen xilalkii ay hayeen, iyagoo ka cadhooday doorashadii xisbiga KUMIYE ee shirkii golaha dhexe oo lagu doortay musharaxiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenka uga qayb gelaya doorashada soo socota ee madaxweynaha.
Dr. Cabdi Aw Daahir wuxuu kaalin kasoo qaatay halgankii dalka lagu xoreeyay iyo dib u dhiskii dalka, isagoo xiligii Madaxweyne Cigaal ka mid ahaa raggii safka hore kaga jiray xukuumadiisa, isla markaana noqday wasiirka Caafimaadka, wuxuu markii uu xilkaa baneeyayna noqday Xoghayihii guud ee Xisbiga UDUB markii loo guuray nidaamka asxaabta, balse geeridii Madaxweyne Cigaal ee sababtay inuu xilka la wareego Madaxweyne xigeenkii xiligaa Swami Rayaale Kaahin oo noqday Madaxweynaha Somaliland iyo guddoomiyaha Xisbigii UDUB, wax a uu Dr. Cabdi Aw Daahir waayay xilkii xisbiga ee Xoghayaha guud. Kadib markii uu damac ka galay hogaanka dalka ee uu shaaciyay inuu noqonayo musharax u taagan tartanka xisbiga ee loo sharaxayo hogaanka dalka.
Hase yeeshee waxay arrintaasi ka cadhaysiisay Madaxeynihii dhaxlay xilka oo ahaa Daahir Rayaale Kaahin oo ka saaray xisbiga, wuxuuna Dr. Cabdi Aw Daahir wixii markaa ka danbeeyay siyaasadiisa u jiheeyay dhinaca Xisbiga Kulmiye oo uu hoggaaminayay Axmed Siilaanyo Madaxeynaa waqtigan ee Somaliland, wuxuuna sanadkii 2005, Dr. Cabdi Aw Daahir ka mid noqday xubnihii xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer isu sharaxay doorashadii Golaha Wakiladda, taasoo aanu ku guulaysan.
Dr. Cabdi Aw Daahir, wuxuu tan iyo mudadaa ka mid ahaa sarakiisha sare ee xisbiga Kulmiye, waxaana uu qayb ka noqday dafcadii labaad ee golaha Wasiiradda oo muddo dhawr sanadood ah uu hayay Wasiirka Xannaanada Xoollaha iyo Wasiirka Arrimaha Qoysa ka hor intii aanu iska caslin xilkaa dhamaadkii sanadkii hore2015, xiligaa oo I saga iyo xubno kale oo wasiiradii xukuumadda Siilaanyo hormoodka u ahaa dhawrkii sanadood ee lasoo dhaafay iska casileen xilalkii ay xukuumadda ka hayeen, kadibna la baxeen siyaasiyiinta garabka dumuqraadiyad doonka ah ee Kulmiye.
Dr. Cabdi Aw Daahir iyo xubno kale oo ka mid ahaa kooxdaa, waxay wadahadal xiligan kula jireen Xibsiga WADDANI, balse hoggaanka Xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in shan xubnood oo uu ka mid ahaa Marxuum Cabdi Aw Daahir laga saaray xisbiga, balse waxay ku tilmaameen tallaabada mid aan sharci ahayn oo aan waafaqsanayn qaanuunka iyo shuruucda xeerarka Xisbiga.
Inaa Lillaah wa inaa Ilayhu raajucuun.
Waxa soo diyaariyay Carraale M Jama

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post