X
    Categories: Warar

Doorashooyinka Tijaabada Ah Ee Maraykanka Oo Lagu Kala Adkaaday Iyo Natiijooyinkii U Danbeeyay

Araweelo News Network

Washigton(ANN)Ninka ugu cad-cad musharraxiinta xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka tartanka isreebreebka, Donald Trump, ayaa guul weyn ka gaadhay doorashada uu xisbiga ku yeeshay gobolka South Carolina.

Sidoo kale Senatorada Jamhuuriga ee kala ah Ted Cruz iyo Marco Rubio ayaa ku loollamaya kaalinta labaad, balse Jeb Bush oo ah nin ay walaalo yihiin George W. Bush madaxweynihii Obama ka horeeyay, ayaa isagu sheegay inuu ka hadhay tartanka madaxtinimada, ka dib markii uu natiijo wanaagsan ka keeni waayay doorashooyinkan isreebreebka ee tijaabada ah.

Haweenayda Hillary Clinton ayaa Bernie Sanders kaga guuleysatay doorashadii uu xisbigooda ku qabtay gobolka Nevada .Hillary Clinton ayaa ka adkaatay Senator Bernie Sanders, waxayna heshay 52% codadka dimoqraadiga, halka Sanders uu helay 48%.

Gobolka South Caroline, musharraxa Donald Trump ee xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuleystay doorashada isreebreebka xisbiga jamhuuriga, isagoo helay in kabadan 32%, waxaana kaalinta labaad galay Senator Marco Robio, halka uu kaalinta saddexaad galay Senator Ted Cruz.

Musharraxa Jeb Bush oo ay walaalaha yihiin madaxweynihii hore George Bush ayaa ku dhawaaqay inuu ka hadhay tartanka doorashada madaxtinimada, kadib markii uu ku guuldareystay inuu kaalin fiican ka galo doorashada South Caroline

Natiijooyinkan ayaa muhiim u ah musharraxiinta, xilli maalinta Talaadada ay taariikhdu tahay 1-ka March ay gobolo badan ka dhici doonto doorashada isreebreebka.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post