Araweelo News Network
Warbixin: Carraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist
doorashadadjiboutidoorashadadjiboutiDjibouti(ANN)Doorashooyinka Dalka Djibouti oo saaka loo dareeray codbixinta, ayaa lasoo gebagebeeyay, iyadoo wax ka yar 200,000 qof codkooda ka dhiibteen.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa markii Afraad u tartamaya inuu sii hayo xilka, iyadoo doorashooyinka dalka Djibouti ka dhasheen dooddo dhinaca mucaaradka ka imanaya, kuwaas si weyn uga qaylinaya, isla markaana ku doodaya in aanay xaq ahayn in aanu jirin Komishan dhex dhexaad ah oo maamulaya doorashada, iyadoo taa bedelkeeda ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dalka Djibouti maamulay, taas oo leh awoodda ku dhawaaqida natiijada.

Mucaaradka, ayaa si weyn u qaadacay doorashada, iyagoo dadka ugu baaqay in aanay usoo bixin, taas oo la filayo inay saamayn ku yeelato natiijada cod bixinta ee la filayo saacadaha soo socda, waxaana ka qaybgalay tartanka doorashada dalka Djibouti laba mucaaradka Dalka Djibouti ka mid ah, kuwaas oo ka scday mucaaradka.
Sheekh Cabdiraxmaan Saleebaan Bashiir oo ka mid ah Culimada waa weyn ee dalka Djibouti, wuxuu ku tilmaamay doorashada mid aan cadaalad ahayn oo muuqaal ahaan loo ekaysiiyay doorasho .
Dalka Djibouti, waxa noqday mid saamayn dhinaca Istiraatiijiyada ku leh mandaqada mudadii uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle xukunka hayay, waxaana ku hirdamaya quwadaha waaweyn ee aduunka, kuwaas oo saldhigyo Milateri ka samaystay dalkaa oo hore dalka Faransiiska keliya saldhig ugu ahaa, balse xilligan waxa uu saldhig u yahay Ciidamada NATO oo ay hormood u yihiin dalalka Germany, USA , UK iyo wadamo kale oo baddan, kuwaas oo dhowaan ay kusoo biireen China iyo Ruushka oo la filayo inay saldhigyo Milateri ka samaystaan.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuu mashaariic waaweyn ka hirgeliyay dalkaa, kuwaas oo ay dalalka Carabta ee Khaliijku mashaariic malaayiin dollar ah geliyeen. sidoo kale dalka China, ayaa ka hirgeliyay dalka Djibouti mashaariic waaweyn oo ay ka mid yihiin Madaaro cusub iyo mashariic kale.
Qalalaasaha dunida iyo dagaalada ka jira Dalalka Somalia, Yemen, Suuriya iyo Ciraaq iyo Islaamiyiinta ku fidaya mandaqada iyo meelo badan oo dunida ah, taas oo fursad weyn u noqotay dalka Djibouti oo aad u yar, isla markaana ku yaal geeska Afrika, wuxuuna loolanka quwadaha shisheeye ee Djibouti noqday mid Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle fursad u siisa inuu markii afraad xukunka u tartamo, isagoo u dhaqma sida hoggaamiye aan cid kale u ogolayn xukunka oo ka taliya dal ka mid ah quwadaha waaweyn ee dunida, isla markaana mucaaradku noqdaan kuwo magac u yaal oo aan awood lahayn, iyadoo dumuqraadiyada ay sheegto Djibouti noqotay mid magac ahaan u jirta, balse aan ficil ahaan u jirin oo aanay wadamada reer galbeedka ee ku canaanta hoggaamiyayaasha afrika nidaamka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka xorta ah, soo hadal qaadi karin muuqaalka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka Djibouti ee mucaraadku sida weyn u dhaliilaan.
By, Carraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist