X
    Categories: Warar

Doorashooyinka Baritain Oo Lagu Kala Adkaaday Iyo Raysal Wasaare David Cameron Oo Si Xarrago Ah Ugu Soo Laabtay Hoggaaminta Dalka

London(ANN)Xisbiga Conservative ayaa ku guuleystay aqlabiyad taariikhi ah doorashada guud ee ka dhacday dalka UK. Kadib markii uu helay 331 Kursi oo ka mid ah 650 kursi oo Baarlamaanku ka koobanyahay.
David Cameron oo hore ugu guulaystay doorashooyinkii kuwan ka horeeyay ee 2010, ayaa si weyn ugu farxay guusha xisbigiisu ka gaadhay doorashadan oo la filayay inay meel ku wada dhacaan Xisbiga ugu weyn Mucaaradka ee Labour, kaas oo uu hoggaaminayay Ed Miliband, balse is casilay markii uu waajahay guuldarada doorashada.

Raysal Wasaare David Cameron, ayaa ka guusha xisbigiisa, wuxuuna sheegay in uu hoggaamin doono hal waddan Britain ah, isla markaana uu sameyn doono Britain xooggan, isagoo qaar ka mid ah taageerayaasha xisbigiisa Muxaafidka u sheegay in guushan ay tahay tii ugu wanaagsaneyd ee muddo dheer soo marta.

David Cameron oo u baahan xulufaysi, si dawladiisu awood ugu yeelato Baarlamaanka, wuxuu durba wadahadal la bilaabay Xisbiga SNP, kaas oo haysta 56 mudane.

Dhinaca kale Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha UK, Ed Miliband ayaa is casilay kaddib markii xisbigiisu waajahay guuldaro ee waayay doorashada UK. Labour-ka oo ah Xisbiga ugu weyn mucaaradka, ayaa lumiyay kuraas baddan gaar ahaan Scotland, iyadoo ay kuraastaa wada qaateen xisbiga SNP.

Xisbiga Shaqaalaha, waxa la filayay inuu ku dhowaado guusha, iyadoo dadka shaqaalaha iyo iyo dabaqada hoose rajaynayeen inuu talada dalka ku guulaysto. Sidoo kale dadka bulshooyinka kala duwan ee soo galootiga ah, ayaa filayay inuu guulaysto, iyagoo u muujiyay taageero balaadhan, balse waxay natiijadii la kulmeen guuldaro aanay filayn.
Sidoo Waxaa kale waxa dhamaan is casilay hoggaamiyeyaasha xisbiyada Liberal Democrats, Nick Clegg iyo UKIP Nigel Farage, kuwaas oo gar-waaqsaday guuldarada ay kala kulmeen doorashada.

Sidan ayayna Xisbiyada Uk u kala heleen kuraasta baarlamaanka.
Conservative 331, Labour 232, SNP 56, Liberal Democrats 8, DUP 8 iyo Kuwa kale 15.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post