X
    Categories: Warar

Doorashadii Kenya Oo Noqotay Mid Tiro Aad U Yar Codkooda Dhiibteen Iyo Cabsida Laga Qabo Jawaabta Mucaaradka

Araweelo News Network

Nairobi(ANN)-Guddiga doorashada Kenya, ayaa sheegay in doorashadii ku celiska ahayd ee qaybo ka mid ah dalka ka dhacday maanta ay ahayd mid aan loo soo bixin, iyadoo 6.5 milyan oo qof, ama saddex meelood meel dadka u diiwaan gashan inay codeeyaan, ay codkooda ka dhiibteen doorashadii dhacday.

Waxaa jiray mudaaharaadyo iyo rabshado mucaaradka ay ka sameeyeen qaar ka mid ah goobaha doorashada. Ugu yaraan laba qof ayaa toogasho lagu dilay markii ay isku dhaceen dibadbaxayaal iyo booliska.

Doorashadan ayaa ahayd isku daygii labaad oo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku doonayo in dib loogu doorto. Maxkamadda sare ee dalkaas ayaa nasakhday doorashadii dhacday sideeddii August ee uu Kenyatta ku guuleystay kadib markii ay sheegtay in khaladaad ay ka dhaceen.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, ayaa qaadacay doorashadii ku celiska ahayd ee saaka dhacday, isaga oo sidoo kalena u sheegay taageerayaashiisa in aanay codayn.

Inkasta oo inta badan goobaha codbixinta ay ahaayeen kuwa nabdoon, haddana meelaha qaar ayaa rabashado ay ka dhaceen, halka gooba qaarna aan la furin.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya Wafula Chebukati, ayaa ku dhawaaqay in goobaha codbixinta ee aan sababo amni dartood loo furin, laga codeyn doono maalinta sabtida ah.

Si weyn ayaa looga cabsi qabaa jawaabta ay ka bixiyaan Odinga iyo mucaaradka uu hoggaaminayaa marka la gaadho natiijada codbixinta ay qaadaceen, waxaana laga casbi qabaa in Kenya ay fooda la gasho qalalaase iyo fawdo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post