X
    Categories: Warar

Doorashadda Kenya Oo Loo Dareeray, Mucaardka Oo Ka Seexday Iyo Maraykanka Oo Ka Hadlay

Araweelo News Network

Kenya’s incumbent President Uhuru Kenyatta addresses a crowd in a Nairobi suburb on September 1, 2017. (Photo by AFP)

Nairobi(ANN)- Shacabka dalka Kenya ayaa saakay 06:00 aroornimo u dareeray Doorashada ku celiska ah, iyagoo  dooran doona Madaxweyne, xilli laga cabsi qabo in ay dhacaan rabshado, geysta khasaare oo qalalaase ka abuura dalka, Isla markaana sii kordhiya xiisadii hore.

Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa ku guul dareysatay in ay wax ka qabato dacwad ay u soo gudbiyeen xisbiga Mucaaradka, taasi oo keentay in Raila Odinga uu iskaga baxo Tartanka Doorashada Madaxweynaha.

Murrashaxiinta maanta Doorashada ka qeyb galeysa ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha hada talada haya ee lagu magacaabo Uhuru Kenyatta, balse hoggaamiyaha  mucaaradka Kenya, Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa ka dalbaday in aanay ka qeyb qaadan doorashada madaxweyne ee ku celiska ah.

Goobo badan oo codadka laga dhiibto ayaa saakay xidhan, kuwaas oo aan shaqeyneyn, waxayna  goobaha ugu badan ee ay degan yihiin Taageerayaasha xisbiga Mucaaradka noqdeen meelo aan laga bixiyayn codka, taas oo sabab looga dhigay Odinga oo qaadacay doorashada kuna tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn.

Ammaanka Kenya ayaa si weyn loo adkeeyay, Tobanaan kun oo ciidamada ammaanka ayaa la geeyay meelo badan oo dalka ah si ay u ilaaliyaan codbixiyayaasha iyo goobaha laga codeynayo.

Dowlada Mareykanka ayaa ku guubaabisay dhamaan shacabka reer Kenya in ay isdajiyaan oo ay diidaan qalalaase, Isla  markaana u hoggaansamaan mabaadi,da dastuurkooda, xilli maanta loo dareerayo doorashada madaxtinimada ee dalka Kenya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post