Araweelo News Network
Nairobi(ANN)- Shacabka dalka Kenya ayaa saakay 06:00 aroornimo u dareeray Doorashada ku celiska ah, iyagoo dooran doona Madaxweyne, xilli laga cabsi qabo in ay dhacaan rabshado, geysta khasaare oo qalalaase ka abuura dalka, Isla markaana sii kordhiya xiisadii hore.
Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa ku guul dareysatay in ay wax ka qabato dacwad ay u soo gudbiyeen xisbiga Mucaaradka, taasi oo keentay in Raila Odinga uu iskaga baxo Tartanka Doorashada Madaxweynaha.
Murrashaxiinta maanta Doorashada ka qeyb galeysa ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha hada talada haya ee lagu magacaabo Uhuru Kenyatta, balse hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa ka dalbaday in aanay ka qeyb qaadan doorashada madaxweyne ee ku celiska ah.
Goobo badan oo codadka laga dhiibto ayaa saakay xidhan, kuwaas oo aan shaqeyneyn, waxayna goobaha ugu badan ee ay degan yihiin Taageerayaasha xisbiga Mucaaradka noqdeen meelo aan laga bixiyayn codka, taas oo sabab looga dhigay Odinga oo qaadacay doorashada kuna tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn.
Ammaanka Kenya ayaa si weyn loo adkeeyay, Tobanaan kun oo ciidamada ammaanka ayaa la geeyay meelo badan oo dalka ah si ay u ilaaliyaan codbixiyayaasha iyo goobaha laga codeynayo.
Dowlada Mareykanka ayaa ku guubaabisay dhamaan shacabka reer Kenya in ay isdajiyaan oo ay diidaan qalalaase, Isla markaana u hoggaansamaan mabaadi,da dastuurkooda, xilli maanta loo dareerayo doorashada madaxtinimada ee dalka Kenya.