X
    Categories: Warar

Doorashada Murashixiinta Xisbiga WADDANI Oo Lagu Kala Hagaagay Iyo Guddoomiye Ku Xigeenki Xisbiga Muumin Seed Oo Ku Gacan Saydhay Natiijada

Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)Shirkii golaha dhaxe ee Xisbiga WADDANI, oo maalintii saddexaad saaka dib uga furmay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu kala reebay murashixiinta ku loolamay, isla markaana waxa lagu ansixiyay magcaabista xilalka uu dhowaan magcaabay Xisbigu.
Ku dhowaad 600 oo ergay, ayaa kasoo xaadiray Madasha shirka, kuwaas oo ka kala ka yimi goboladda Somaliland iyo dacalada dunidda. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ah murashaxa Madaxweynaha ee ugu tartamaya xisbiga oo aanay jirin cid la tartantay, balse loolanka ayaa ahaa mid u dhexeeyay guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Axmed Muumin Seed iyo Dr.Maxamed Xaaji Cali, iyadoo guushu raacday Dr. Maxamed Cali oo helay 581 cod, halka Axmed Muumin Seed uu helay 44.
Waxaana lagu ansixiyay shirka inuu noqdo guddoomiyaha mustaqbalka ee Xisbiga Cabdiqaadir Jirde, halka Hoggaamiyaha Xisbiga loo ansixiyay Xirsi Cal X.Xasan, kuwaas xililka loo magcaabay dhowaan cod loo weydiiyay ergooyinka.
Hase yeeshee guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Axmed Muumin Seed oo warbaahinta la hadlay markii lagu dhawaaqay natiijada, ayaa sheegay in uu la kulmay khiyaamo iyo cadaalad-daro, isla markaana aanu ku qanacsanayn natiijada.


Shirkan golaha dhaxe ee Xisbiga WADDANI oo maalmihii ugu dambeysay hawshiisu ka socotay magaalada Hargeysa, waxa ka aloosnaa sawaxan iyo buuq, kadib markii siyaasiyiin hore uga tirsanaa xisbiga ka biyo diideen qaabka loo maamulay shirka golaha dhexe iyo saamiga la siiyay kooxda dhinaca Xisbiga KULMIYE, kaga soo wareegtay.
.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post