X
    Categories: Warar

Doorashada Madaxweynaha Ee Soomaaliya Oo La Mudeeyay Iyo Guddi Loo Magcaabay Hawshaa

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Baarlamaanka Dawladda Federaalka ah, ayaa sheegay xiliga la qabanayo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, kaddib markii maanta la shaaciyay guddi qaabilsan qaban qaabada doorashooyinka Madaxtinimada oo ay ku loolamayaan dhawr murrashax.

Kooxda Guddida qaban qaabada doorashada Madaxweynaha waxaa guddoomiye looga dhigay Cabdiraxmaan Ducaale Beylle oo hore usoo qabtay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale Baarlamaanka, ayaa sheegay in Doorashada madaxtinimada ee Dawladda Federaalka loo qorsheeyay in la qabto 8/2.2017, sida lagu sheeciyay qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu faah faahiyay jadwalka doorashada madaxtinimada.

Musharixiinta, ayaa ka digay dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay, ayaa ka digay in doorashada madaxtinimada ay noqoto mid musuq maasuq iyo in la kala iibsado codadka xildhibaanada. Sidoo kale Culimada waaweyn ee Soomaaliya iyo qaybo kale oo ka mid ah bulshadda, ayaa ka digay in musuq maasuq lagu sameeyo.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post