X
    Categories: Warar

Doorashada Kenya Oo Natiijadeeda Lagu Dhawaaqay

Araweelo News Network

Supporters of Kenya’s incumbent President Uhuru Kenyatta celebrate after he was announced winner of the presidential election in the capital city of Nairobi.

Nairobi(ANN)-Guddida doorashada ee Kenya, ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada ku celiska ahayd ee ka dhacday Kenya 26-kii, taas oo sida ay sheegeen guddidu in uu ku guulaystay oo dib loogu doortay Madaxweynaha hada talada haya ee Uhuru Kenyatta.

Natiijada uu ku guulaystay Uhuru Kenyatta,  ayaa lagu sheegay in uu helay 98.26 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, halka hogaamiyaha mucaaradka ee loolanka adag ku hayay Raila Odinga oo hore u qaadacay doorashada oo aan ka qaybgelin uu helay 0.09 boqolkiiba.

 

Guddida doorashada ee Kenya oo loosoo gaabiyo magacooda IEBC, ayaa sheegay in tirada dadka codeeyay ay ahayd boqolkiiba 39.

Guddoomiyaha guddida doorashada Wafula Chabukati, ayaa codsaday in aanay rabshado dhicin, qof kastana uu ka qeybgalo amniga iyo kala dambaynta.

Wuxuu tilmaamay in uu ka xun yahay dhibaatooyiinkii dhacay intuu khilaafka taagnaa iyo markii codeynta ay socotay

Doorashada Kenya, ayaa ahayd mid ay qaadeceen mucaaradka waxaana ka dhashay rabshado sababay in ay dad ku dhintaan.

 

Mucaaradka ugu wayn dalka Kenya, NASA oo uu hoggaaminayo Raila Odinga ayaa hore u sheegay in aanay aqbali doonin natiijada ka soo baxda doorashadan.

Guddoomiyaha guddida doorashada, ayaa ku adkaystay in doorashadani ay u diyaargaroobeen si ay u noqoto “mid xor iyo xalaal ah.”

Balse Mucaaradka, ayaa sheegay in aan waxba laga qaban wixii ay ka cabanayeen ee ay diideen oo ay ka mid ahayd in guddida uu dib u dhigo doorashada iyo in xubno ka mid ah shaqada laga ceydhiyo.

Maxkamad sare, ayaa wax kama jiraan ku tilmaamtay doorashadii la qabtay horraantii bishii August ka dib markii la ogaaday in musuq-maasuq dhacay.

Mucaaradka ayaa maxkamadda geeyay dacwaddaa ka dib markii IEBC ay ku dhawaaqday in Uhuru Kenyatta mar labaad la doortay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post