Hargeysa(ANN)-Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI oo hadal ka jeediyey kulan Xisbiga WADDANI u sameeyey dhallinyarta Aqoonyahanka ah oo falan-qeynaayey barnaamij siyaasaddeedka Xisbiga WADDANI, ayaa uu kaga hadlay arrimo badan oo khuseeya barnaamijka siyaasiga ah ee Xisbigaasi, Doorashooyinka iyo weli ba sida oo kale Abaaraha ka jira dalka.
Guddoomiye Cirro oo arrimahaa ka hadlayaa, wuxuu yidhi sidan:-
“Waxa aan halkan uga mahad-naqayaa dhallinyaradii barnaamijka siyaasiga ah ee Xisbiga WADDANI halkan ku soo bandhigtay ee sida wanaagsan innoo fahamsiisay ee cutub cutub innoogu akhriday ee inta ay wakhti badan geliyeen u soo bandhigay sida farshaxanka iyo aqoontu ba ku dheehan tahay, waanan ku boorinayaa hawshaas muhiimka ah ee ay qabteen cid kasta oo gacan ku siiseyna waan uga mahad-celinayaa oo ay ugu horreeyaan garabka dhallinyarada Xisbiga WADDANI. “.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro
“Waxa aynu ognahay haddii Doorashada la qabto 28ka March in Xisbiga kaliya ee barnaamijkiisa soo bandhigay uu yahay uun Xisbiga WADDANI, weli ba illaa hada barnaamijkeenu waxa uu ogal yahay in lagu kordhiyo wixii ra’yi ah ee la hayo oo meeshii wax ka maqan yihiin ba la soo gufeeyo oo la soo bandhigo. Barnaamijku na waxa uu diyaar u yahay in la dhiliilo oo barnaamij xidhan maaha e’ waa barnaamij dadka looggu tallo-galay, waa barnaamij muhiimaddiisa koowaad siinaaya badbaadada dalka, waa barnaamij muhiimadda siinaaya dhallinyarada iyo haweenka oo ah labada qeybood ee bulshadeena ugu muhiimsan, waa barnaamij aad loogga baaraa-degay oo laba sannadood iyo in ka badan loo soo bandhigay shacbiga oo ra’yigood ay ku dareen oo aan is lee yahay maanta wixii umaddani u baahnayd oo dhami ba way ku dhan yihiin, waa barnamin looggu tallo-galay in umadda lagu hoggaamiyo, sidaas uu hoggaamiyahu sheegayna barnaamijka waxa hoggaamin doona dhallinyaro, odeyaasha iyo hooyooyinku na way garab taagnaanayaan dhallinyaradaas iyo madaxda kale ee Xisbigu ba.”.
“Walaaleyaal waxa aynu ka war-qabnaa in abaartii Soo-Ma-Reebto ay dalka ka taagan tahay o dal iyo duunyaba aynu maanta halis ku sugan nahay, Xisbiga WADDANI na in badan ayuu la dagaalamayey wax la yidhaahdo muddo kordhin, doorashada na waanu soo duduucnay oo halkan baanu keenay, Doorashada diyaar baanu u nahay laakiin waxa aanu ka door bideynaa oo ka horeysiinaynaa in shacbiga la bedbaadiyo, shacbi xoolahii ka dhintay oo dadkii bilaabmay in uu dhinto diyaar uma nihin in aanu ka dul geeraarno oo inta aanu heeso ka dul tumano aanu olole bilowno, waxa aynu badbaadada siinaynaa oo muhiimadda siineynaa in shacbiga la bedbaadiyo, waxa aanu lee nahay waar shacbigeena sida aynu u badbaadinayno aynu ka wada tashano waana aad ka war-qabtaanoo cid baa arrinkaas diidan in laga wada tashado siddii shacbiga loo badbaadin lahaa ee Doorashada na wakhtiga ugu horreeya ee ugu munaasibsan la dhigi lahaa, markaa waxa aanu lee nahay walaaleyaal aynu gacmaha is-qabsanno haddii aynu nahay axsaabta qaranka, xukuumadda iyo shacbiga ba oo aynu isku aragti ka noqono, aragtideenaasi na ha noqoto in aynu shacbiga baddbaadino.”.
“Waxa aan aad iyo aad u hambalyeynayaa dhallinyarada damqatay ee dareenkooda cabiray ee soo jeediyey in ay sanduuq u furaan dadka reer Somaliland ee abaarahu ay waxyeeleeyeen ee dhibbaatada ku sugan, waxaanan soo jeedinayaa in dhallinyarta aynu kala qeyb-galno gurmadka abaaraha ee ay sameynayaan oo Zaadka ay hayaan looggu soo diro qof walba wixii uu kari karo, waxa aan fariintaas u soo jeedinayaa dhammaan ba taageerayaasha Xisbiga gudo iyo dibad ba in aynu gurmadkaas ka wada qeyb-qaadano.”.
“Xisbiga WADDANI wuxu diyaar u yahay Doorashada, laakiin diyaar uma aha in aanu Doorashada galno oo ku guulaysano iyada oo shacbigayagu maqan yahay 70%, in 30% na ay na doortaan diyaar uma nihin. waxa aanu diyaar u nahay in muwaadin kastaa xaq dastuuri ah u lee yahay in uu codeeyo, in uu xaq dastuuri ah u lee yahay in uu helo kaadhkii uu ku codeyn lahaa markaa arrintaasi waxa ay u baahan tahay in aad loogga feejignaado oo uu muwaadin kastaa helo xaqiisa, xaqna uu u lee yahay in uu wax doorto, waxaanan mar labaad ugu baaqayaa Axsaabta iyo qaranka ba in aynu dalka badbaadino oo aynu Doorashada ka horeysiino badbaadada dalka.”. ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.